HomeWararMadaxweyneyaasha Soomaaliya iyo Djibouti oo ka wadahadley iskaashiga amniga gobolka, iyo xoojinta...

Madaxweyneyaasha Soomaaliya iyo Djibouti oo ka wadahadley iskaashiga amniga gobolka, iyo xoojinta xiriirka labada dal

Date:

Related stories

Soomaaliya iyo Kenya oo Suuq Cusub Furaya

Soomaaliya iyo Kenya oo xoojinaya ganacsiga, maalgashiga iyo isku-xirka dhaqaale.

Daniel iyo Labada Hooyo: Xaqiiqada Sheekada

Daniel iyo labada hooyo: maxaa run ah, maxaase aan la xaqiijin?

Xasan Sheekh oo Belgrade Fariin Adag Ka Jeediyay

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Belgrade uga qaybgalaya shir lagu xusayo 65-guuradii Dhaqdhaqaaqa Dalalka Aan Isbahaysiga Ahayn,

Koonfur Galbeed Oo Ansixisay Dib-u-eegista Miisaaniyadda 2026

Golaha Wakiillada Koonfur Galbeed ayaa ansixiyey dib-u-eegista miisaaniyadda 2026, kadib dood iyo falanqeyn dheer oo ku saabsan dakhliga, deeqaha iyo kharashaadka dowladda.

Maxay McDonald’s Iyo KFC Uga Cabsadeen Soomaaliya?

Inkasta oo Muqdisho ay ku badan yihiin burgerro, shawarma iyo digaag la shiilay, shirkadaha waaweyn sida McDonald’s, KFC iyo Starbucks weli si rasmi ah ugama howlgalaan Soomaaliya.

Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweynaha Jamhuriyadda Djibouti, Mudane Ismaaciil Cumar Geelle, ayaa maanta kulan ku yeeshay xarunta madaxtooyada ee magaalada Djibouti. Labada hoggaamiye ayaa ka wadahadley xoojinta iskaashiga iyo xiriirka labada dal, dardar-gelinta dagaalka looga soo horjeedo argagixisada, xaaladda amniga ee Soomaaliya iyo kan gobolka intaba. Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud […]

- Advertisement -

Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweynaha Jamhuriyadda Djibouti, Mudane Ismaaciil Cumar Geelle, ayaa maanta kulan ku yeeshay xarunta madaxtooyada ee magaalada Djibouti.

Labada hoggaamiye ayaa ka wadahadley xoojinta iskaashiga iyo xiriirka labada dal, dardar-gelinta dagaalka looga soo horjeedo argagixisada, xaaladda amniga ee Soomaaliya iyo kan gobolka intaba.

- Advertisement -

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulankaasi dowladda Djibouti iyo Madaxweyne Geelle uga mahadceliyey sida ay mar walba u garab taagan yihiin walaalahooda Soomaaliyeed, naftoodana ay u hureen sidii Soomaaliya ay dib cagaheeda isugu taagi lahayd.

Madaxweyne Geelle ayaa isna ku ammaaney dowladda Soomaaliya iyo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, dadaalka iyo horumarka ay ka sameeyeen dhanka sugidda amniga, siyaasadda iyo dib u heshiisiinta, isagoo intaa raaciyey in mar walba ay diyaar u yihiin taageero dhan kasta leh oo ay Soomaaliya u fidiyaan.

Madaxweynaha Soomaaliya iyo wafdigiisa ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ee magaalada Djibouti ku soo dhoweeyay Ra’iisul Wasaaraha Djibouti, Cabdulqaadir Kaamil Maxamed iyo mas’uuliyiin kale.

- Advertisement -

Marka uu dhammeysto booqashada uu ku joogo Djibouti, waxaa Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu uga sii gudbi doonaa magaalada Riyadh ee dalka Boqortooyada Sacuudiga, halkaas oo uu kaga qeybgeli doono Shir Madaxeedkii 4-aad ee waddamada xubnaha ka ah Jaamacadda Carabta, iyo dalalka ku yaalla Koonfuurta America.

–DHAMMAAD—
Daud Aweis
Afhayeenka Madaxtooyada
Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya
Email: daweis@presidency.gov.so
Tel: +253 772 57647
Djibouti
www.villasomalia.gov.so

unnamed  3
unnamed
unnamed  7
unnamed  4
unnamed  5

Latest stories