HomeWararMadaxweynayaasha Somalia iyo Uganda oo ka wada hadlay La-dagaalanka Alshabaab.

Madaxweynayaasha Somalia iyo Uganda oo ka wada hadlay La-dagaalanka Alshabaab.

Date:

Related stories

Iskaashi xooggan oo muhiim u ah xasilinta Soomaaliya

Safiirka Ingiriiska Charles King oo ka hadlay Aqoon-is-weydaarsiga 3S, isagoo sheegay in iskaashiga adag iyo hoggaaminta maxalliga ah ay muhiim u yihiin horumarka iyo xasilinta Soomaaliya.

Trump oo ku hanjabay inuu Iran “bur-buriyo” haddii la dilo

Trump oo ku hanjabay inuu Iran "bur-buriyo" haddii ay isku daydo dilkiisa, isagoo sheegay in 1,000 oo gantaal diyaar u yihiin. Xiisadda u dhexeysa Washington iyo Tehran ayaa sii kordheysa.

Markii lacagta caddaanka ah ay fashilantay, isku-xirka ayaa noqday lacag

Sida lacagta mobilada ah ay uga caawisay Soomaaliya inay...

When Cash Failed, Connection Became Currency

When cash failed in Somalia, connection became currency. How mobile money helped rebuild trust, access, and resilience and why EVC Plus became more than a payment method. Read the full story.

Journalists union raps Puntland authorities over arrest of reporter

The National Union of Somali Journalists (NUSOJ) has mounted...

Madaxweynaha Dowladda Federalka Somalia, Xasan Sheekh Maxamuud waxa uu kulan la yeeshay dhigiisa dalka Uganda, Yoweri Kaguta Museveni. Madaxweyne Xasan Sheekh oo shalay booqasho hal maalin ah ku tegay dalka Uganda, waxa uu Madaxweyne Museveni kala hadlay Xiriirka Labada Waddan, Arrimaha Afrika iyo Dardargelinta Hawlgalka AMISOM ee lagula dagalaamayo Xarakadda Alshabaab. Kulankaasi oo ka dhacay […]

- Advertisement -

Madaxweynaha Dowladda Federalka Somalia, Xasan Sheekh Maxamuud waxa uu kulan la yeeshay dhigiisa dalka Uganda, Yoweri Kaguta Museveni.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo shalay booqasho hal maalin ah ku tegay dalka Uganda, waxa uu Madaxweyne Museveni kala hadlay Xiriirka Labada Waddan, Arrimaha Afrika iyo Dardargelinta Hawlgalka AMISOM ee lagula dagalaamayo Xarakadda Alshabaab.

- Advertisement -

Kulankaasi oo ka dhacay Aqalka Dowladda ee Entebe ayaa waxaa kaloo looga hadlay sidii ay Dowladda Uganda u kordhin  lahaayeen Taageeradda Milliteri ee ay la garab taagan yihiin Dowladda Somalia.

Labada Madaxweyne oo muddo dhowr saaacadood kulan lahaa, ayaa waxa uu Madaxweynaha Uganda ballanqaaday inay Dowladda Somalia garab taagnaan doonaan ilaa laga guuleysanayo Dagaalamayaasha Alshabaab.

Dhinaca kale, Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa lagu wadaa inuu saakayto ka ambabaxo dalka Uganda, isagoo booqasho kooban ku tegi doona dalka Jabuutiu, ka hor inta uusan u ambabixin Ka-qeybgalka Shirweynaha Madaxda dalalka Carabta iyo kuwa Latin Amerika oo la filayo inuu berri ka furmo caasimadda dalka Sacuudiga ee Riyadh.

- Advertisement -

 

Latest stories