HomeWararMadaxweynaha oo madaxda gobolka kala hadlaya arrimaha amniga iyo la dagaalanka argagixisada

Madaxweynaha oo madaxda gobolka kala hadlaya arrimaha amniga iyo la dagaalanka argagixisada

Date:

Related stories

Wasiirrada Xamsa oo Shaashad Lagu Kala Sarreysiiyay

Xamsa Cabdi Barre oo wasiirrada Xukuumadda DanQaran ku sameeyay qiimeyn waxqabad iyo isla xisaabtan.

Hindisaha ABUUR oo La Daah-furay, Ardayda Soomaaliyeedna Fursad Cusub

Xasan Sheekh oo daah-furay sannad-tacliimeedka 2026/2027, isagoo sidoo kale bilaabay Hindisaha ABUUR ee hal-abuurka ardayda.

Xasan Sheekh iyo Al-Issa oo Arrimo Xasaasi ah Ka Wada Hadlay

Xasan Sheekh oo Muqdisho ku qaabilay Al-Issa, iyagoo ka wada hadlay diinta, nabadda iyo iskaashiga Soomaaliya.

Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka degay magaalada Entebbe, ee dalka Jamhuriyadda Uganda, halkaas oo uu Madaxweyne Yoweri Kaguta Museveni kala hadli doono arrimaha amniga gobolka, dardar-gelinta hawlgalada ciidammada AMISOM ee ka dhanka ah kooxaha argagixisada iyo arrimo kale. Uganda ayaa waxay ka mid tahay dalalka ay ciidammada ka joogaan Soomaaliya, […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka degay magaalada Entebbe, ee dalka Jamhuriyadda Uganda, halkaas oo uu Madaxweyne Yoweri Kaguta Museveni kala hadli doono arrimaha amniga gobolka, dardar-gelinta hawlgalada ciidammada AMISOM ee ka dhanka ah kooxaha argagixisada iyo arrimo kale.

Uganda ayaa waxay ka mid tahay dalalka ay ciidammada ka joogaan Soomaaliya, kuwaas oo qeyb ka ah hawlgalka nabad ilaalinta AMISOM.
Madaxweynaha ayaa socdaalka Uganda kadib, kulan kaa la mid ah magaalada Djibouti kula yeelan doona Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle.

- Advertisement -

Hoggaamiyeyaasha dalalka ay ciidamada ka joogaan waddanka iyo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Shirkii Golaha Guud ee Qaramada Midoobay ee ka dhacay New York, bishii September, waxay isla garteen dardar-gelinta hawlgalada milateri ee dalka looga sifeynayo kooxda Al Shabaab oo khatar ku ah amniga gobolka iyo kan caalamka.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kadib socdaal ku tegi doona magaalada Riyadh ee Boqortooyada Sacuudi Caraabiya , halkaas oo uu kaga qeybgeli doono Shir Madaxeedkii 4-aad ee waddamada xubnaha ka ah Jaamacadda Carabta iyo dalalka ku yaalla Koonfuurta America.

Shirkaasi oo looga hadli doono iskaashiga labada dhinac, ayaa waxaa la filayaa inay ka soo qeybgalaan 22-ka dal ee Jaamacadda Carabta ka tirsan, iyo 12 dal oo ka socda Koonfuurta America.

- Advertisement -

–DHAMMAAD—

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts