HomeWararBurcad-baddeed Soomaali ku xiran dalka India oo codsaday inay xukunkooda ku dhamaystaan...

Burcad-baddeed Soomaali ku xiran dalka India oo codsaday inay xukunkooda ku dhamaystaan dalkooda hooyo

Date:

Related stories

Iskaashi xooggan oo muhiim u ah xasilinta Soomaaliya

Safiirka Ingiriiska Charles King oo ka hadlay Aqoon-is-weydaarsiga 3S, isagoo sheegay in iskaashiga adag iyo hoggaaminta maxalliga ah ay muhiim u yihiin horumarka iyo xasilinta Soomaaliya.

Trump oo ku hanjabay inuu Iran “bur-buriyo” haddii la dilo

Trump oo ku hanjabay inuu Iran "bur-buriyo" haddii ay isku daydo dilkiisa, isagoo sheegay in 1,000 oo gantaal diyaar u yihiin. Xiisadda u dhexeysa Washington iyo Tehran ayaa sii kordheysa.

Markii lacagta caddaanka ah ay fashilantay, isku-xirka ayaa noqday lacag

Sida lacagta mobilada ah ay uga caawisay Soomaaliya inay...

When Cash Failed, Connection Became Currency

When cash failed in Somalia, connection became currency. How mobile money helped rebuild trust, access, and resilience and why EVC Plus became more than a payment method. Read the full story.

Journalists union raps Puntland authorities over arrest of reporter

The National Union of Somali Journalists (NUSOJ) has mounted...

120 rag Somali oo burcad-baddeednimo loogu xiray dalka Hindiya sannadkii 2011-kii ayaa u sheegay Saraakiil ka tirsan Safaaradda Somalia ku leedahay dalkaasi inay doonayaan inay qirtaan Kiiska loo haysto, si ay ugu suurto-gasho inay xukunkooda ku dhamaystaan gudaha dalkooda hooyo. Dacwad-oogayaasha Maxkamadda magaalladda Mumbai ayaa loo sheegay Fikradaasi isbuucii hore, kadib, markii ay la kulmeen […]

- Advertisement -

120 rag Somali oo burcad-baddeednimo loogu xiray dalka Hindiya sannadkii 2011-kii ayaa u sheegay Saraakiil ka tirsan Safaaradda Somalia ku leedahay dalkaasi inay doonayaan inay qirtaan Kiiska loo haysto, si ay ugu suurto-gasho inay xukunkooda ku dhamaystaan gudaha dalkooda hooyo.
Dacwad-oogayaasha Maxkamadda magaalladda Mumbai ayaa loo sheegay Fikradaasi isbuucii hore, kadib, markii ay la kulmeen Saraakiil ka tirsan Safaaradda Somalia.
Dhamaan, 120-ka Burcad-baddeed ayaa waxaa Xeebaha Somalia laga soo qabtay muddadii u dhexeysay bilihii January iyo March ee sannadkii 2011-kii.

Qeybta ugu horreysay oo dhan 15 Burcad-baddeed waxaa la qabtay bishii Janaayo 28-dii ee sannadkii 2011-kii, xilligaasi oo ay afduub u hasyteen Kalluumeysato u kala dhalatay dalalka Thailand iyo Myanmar.

- Advertisement -

Bishii Feberaayo 6dii ee sannadkii 2011-kii, Ciiddanka Badda ee India waxay qabteen 28 Burcad-baddeed, kana soo furteen 24 La-hayste u dhalatay dalka Thailand.

Bishii March ee sannadkii 2011-kii, labo hawlgal ayaa lagu soo qabtay 77 Burcad-baddeed.

 © Radio Dalsan

- Advertisement -

 

Latest stories