HomeWararRa'iisul Wasaare Sharmarke ayaa ka tacsiyeeyey dilkii Xildhibaan Mohamed Ahmed Gurhan

Ra’iisul Wasaare Sharmarke ayaa ka tacsiyeeyey dilkii Xildhibaan Mohamed Ahmed Gurhan

Date:

Related stories

Soomaaliya iyo Kenya oo Suuq Cusub Furaya

Soomaaliya iyo Kenya oo xoojinaya ganacsiga, maalgashiga iyo isku-xirka dhaqaale.

Daniel iyo Labada Hooyo: Xaqiiqada Sheekada

Daniel iyo labada hooyo: maxaa run ah, maxaase aan la xaqiijin?

Xasan Sheekh oo Belgrade Fariin Adag Ka Jeediyay

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Belgrade uga qaybgalaya shir lagu xusayo 65-guuradii Dhaqdhaqaaqa Dalalka Aan Isbahaysiga Ahayn,

Koonfur Galbeed Oo Ansixisay Dib-u-eegista Miisaaniyadda 2026

Golaha Wakiillada Koonfur Galbeed ayaa ansixiyey dib-u-eegista miisaaniyadda 2026, kadib dood iyo falanqeyn dheer oo ku saabsan dakhliga, deeqaha iyo kharashaadka dowladda.

Maxay McDonald’s Iyo KFC Uga Cabsadeen Soomaaliya?

Inkasta oo Muqdisho ay ku badan yihiin burgerro, shawarma iyo digaag la shiilay, shirkadaha waaweyn sida McDonald’s, KFC iyo Starbucks weli si rasmi ah ugama howlgalaan Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya, Mudane Omar Abdirashid Ali Sharmarke ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray qoysaskii, saaxiibada iyo dadka Soomaaliyeed ee uu ka geeriyooday Xildhibaan Mohamed Ahmed Gurxan. Xildhibaan Gurxan ayaa u geeriyooday dhaawac ay shalay u geysteen kooxo hubeysan xili uu ku sugnaa degmada Xamar Wayne ee magaalada Muqdisho. Wuxuna Ra’iisul […]

- Advertisement -

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya, Mudane Omar Abdirashid Ali Sharmarke ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray qoysaskii, saaxiibada iyo dadka Soomaaliyeed ee uu ka geeriyooday Xildhibaan Mohamed Ahmed Gurxan.

Xildhibaan Gurxan ayaa u geeriyooday dhaawac ay shalay u geysteen kooxo hubeysan xili uu ku sugnaa degmada Xamar Wayne ee magaalada Muqdisho. Wuxuna Ra’iisul Wasaaruhu Eebe ugu baryey marxuumka in uu jannaadiisa Fardowso ka waraabiyo ehelkii iyo guud ahaan ummada Soomaaliyeed ee uu ka baxayna Samir iyo iimaan ka siiyo.

- Advertisement -

“Waxaan Tacsi u dirayaa qoysaskii, saaxiibada iyo shacabka Soomaaliyeed ee uu ka baxay marxuum Xildhibaan Mohamed Ahmed Gurxan. Waxaan ilaahay ka baryaynaa in uu naxariisto, marxuumka waxaa dilay kooxo arxan daran oo banaystay daadinta dhiigga dadkeenna qiimaha badan.”ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Sharmarke.

—-Dhammaad—

Xafiiska Warbaahinta iyo Xiriirka
Muqdisho, Somalia
media.opm@gmail.com
Twitter: @SomaliPM

Latest stories