HomeWararHaweeneydii Soomaalida ee lagu kufsaday Xero Qaxooti oo dib loogu celiyey dalka...

Haweeneydii Soomaalida ee lagu kufsaday Xero Qaxooti oo dib loogu celiyey dalka Australia.

Date:

Related stories

Beesha Caalamka Oo Warbixin Ka Heshay Doorashada Soomaaliya

Guddiga Madax-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka ayaa Muqdisho kulan xogsiin ah kula yeeshay safiirrada iyo wakiillada beesha caalamka,

Farahaaga Waxaa Ku Jira Wax Aadan Ogayn

Dad badan ayaan waligood dareemin, balse faraha iyo suulasha dadka qaar waxaa ka baxa timo aad u yaryar oo khafiif ah. Maxay yihiin, maxaase sababa in dadka qaar ay yeeshaan kuwo badan?

Taliyaha Ciidanka XDS oo gaaray Turkiga si loo xoojiyo iskaashiga milateri

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa gaaray Ankara, halkaas oo uu kulamo kula yeelan doono saraakiil iyo mas'uuliyiin Turkish ah oo looga hadlayo xoojinta iskaashiga difaaca,

Ciidanka Itoobiya oo baneeyay Buurhakaba, Soomaaliya oo la wareegtay amniga

Ciidamada Itoobiya ee qaybta ka ah howlgalka AUSSOM ayaa ka baxay magaalada Buurhakaba kadib ku dhawaad 12 sano, iyadoo amniga magaalada lagu wareejiyay ciidamada Soomaaliya.

Laba xildhibaan oo u tartamaya guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya

Muqdisho – Doorashada guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya...

Haweeneydaasi oo magaceeda lagu soo koobay Abyan ayaa dib ugu laabatay dalka Australia, si ay isaga soo xaaqdo Uur ay qaaday bartamihii bishii July ee sannadkan oo Kufsi-wadareed loogu geystay Jesiiradda Nauru ee duleedka Australia. Wasiirka Socdaalka ee dalka Australia, Peter Dutton ayaa xaqjiiyey inay Abyan ku sugan tahay gudaha dalka Australia. Wasiirka oo la […]

- Advertisement -

taageerayaasha ABYANHaweeneydaasi oo magaceeda lagu soo koobay Abyan ayaa dib ugu laabatay dalka Australia, si ay isaga soo xaaqdo Uur ay qaaday bartamihii bishii July ee sannadkan oo Kufsi-wadareed loogu geystay Jesiiradda Nauru ee duleedka Australia.

Wasiirka Socdaalka ee dalka Australia, Peter Dutton ayaa xaqjiiyey inay Abyan ku sugan tahay gudaha dalka Australia.

- Advertisement -

Wasiirka oo la hadlay Telefishinka iyo Idaacadda Australia ee ABC ayaa sheegay in Abyan la siinayey Daryeel Daawo, isla markaana loo samayn doono wax kasta oo ay jeceshahay.

Haweeneydaa Soomaalida o oleh Uur 17 isbuuc ayaa waaxaa bishii hore loo soo duuliyey magaalladda Sydney ee dalka Australia, kadib, markii ay codsatay in Ilmaha laga soo xaaqo.

Laakiinse, Dowladda Australia ayaa u kireysay Diyaarad Khaas ah oo dib loogu celiyey  Xeraddii Qaxootiga ee Jasiiradda Nauru ee horey loogu kufsaday, uurkana ku qaaday.

- Advertisement -

Dhinaca kale, Abyan ayaa waxaa suurto-gal ah marka uurka laga soo xaaqo inay magangelyo Qaxootinimo codsan doonto Dowladda Australia, waxayna u badan tahay inay Maxkamadda Sare ee Australia oggolaan doonto Codsigaas.

Horey waxay Dowladda Australia magangelyo noocaasi ah u siiyeen dhowr haween Soomaali oo lagu soo fara-xumeeyey Xarunta Qaxootiga lagu hayo ee ku taalla Jesiiradda Nauru.

© Radio Dalsan

PETER DUTTON 

 

Latest stories