HomeWararMidowga Afrika oo xil u magacaabay Ergaygii hore ee QM ee Somalia,...

Midowga Afrika oo xil u magacaabay Ergaygii hore ee QM ee Somalia, Ambassador Mahiga.

Date:

Related stories

Once a Man’s World, Now a Shared Space: Women Transform Mogadishu’s Fish Market.

Every morning, as the sun rises over Mogadishu’s coastline,...

Somali Pirates Hijack Tanker ASANA

MOGADISHU – Somali pirates hijacked the oil tanker ASANA off...

Turkey excludes Somalia from e-Visa expansion

Turkey has expanded its electronic visa (e-Visa) system to...

Danab forces overrun Al-Shabaab stronghold near Jilib

The National Army’s elite Danab commandos have overrun a...

Somalia scrambles for new military allies as AU troops face exit

Somalia's federal government is pressing regional troop-contributing countries to...

  Haweeneyda Guddoomiyaha u ah Ururka Midowga Afrika, Nkosazana Dlamini-Zuma waxay u magacowday Ambassador Dr. Augustine Phillip Mahiga inuu u noqdo Ergayga Gaarka ee maamulayo Hawlgalka Tababarka Milliteriga ee AMANI Africa oo haatan ka socda dalka Koonfurta Afrika. Ambassador Dr Augustine Phillip Mahiga oo u dhashay dalka Tanzania, waxa uu horey u ahaan Ergayga Gaarka […]

- Advertisement -

 

Haweeneyda Guddoomiyaha u ah Ururka Midowga Afrika, Nkosazana Dlamini-Zuma waxay u magacowday Ambassador Dr. Augustine Phillip Mahiga inuu u noqdo Ergayga Gaarka ee maamulayo Hawlgalka Tababarka Milliteriga ee AMANI Africa oo haatan ka socda dalka Koonfurta Afrika.

- Advertisement -

Ambassador Dr Augustine Phillip Mahiga oo u dhashay dalka Tanzania, waxa uu horey u ahaan Ergayga Gaarka ee Xoghayaha Guud ee QM ugu qaabilsanaa Arrimaha Somalia muddadii u dhexeysay sannadkii 2010-kii ilaa bishii June ee sannadkii 2013-kii, wuxuuna bishii July ee sannadkaasi xilka ku wareejiyey Nicholas Kay oo ah Diplomaasi u dhashay dalka Britain.

Dr. Mahiga waxa xilka haatan loo magacaabay uu mas’uul ka noqon doonaa Hoggaaminta Siyaasadda Rayidka ee Hawlgalka AMANI Afrika, iyadoo uu Hawlgalkaasi hoggaminayo Taliyaha Ciiddanka dalka Zimbabwe, Sarreeye Gaas Trust Mugova.

Hawlgalka AMANI Afrika ee lagu diyaarinayo Ciiddanka Heeganka ee Qaaradda Afrika, ayaa ah Hawlgal Nabad-ilaalin laga kala keenay dalalka Afrika ee ku kala yaalla Bartamaha, Bariga, Waqooyiga, Koonfurta iyo Galbeedka Afrika.

- Advertisement -

Operation AMANI Africa II  waxa uu bilowday bishan October 19-da, waxaana la so ogebagebeyn doonaa bisha soo socota ee November 6-da, iyadoo Munaasabadad Xiritaanka Tababarkaasi ka soo qeyb geli doonaan Madaxda dalalka Afrika.

© Radio Dalsan

Latest stories