HomeWararWorld Bank oo asaaska u dhigayo Nidaamka Xawaalladda Somalia

World Bank oo asaaska u dhigayo Nidaamka Xawaalladda Somalia

Date:

Related stories

When Cash Failed, Connection Became Currency

When cash failed in Somalia, connection became currency. How mobile money helped rebuild trust, access, and resilience and why EVC Plus became more than a payment method. Read the full story.

Journalists union raps Puntland authorities over arrest of reporter

The National Union of Somali Journalists (NUSOJ) has mounted...

Madaxweyne Xasan oo tababar u soo xiray saraakiil

Madaxweyne Xasan Sheekh oo tababar u soo xiray saraakiil ka qalin jebiyay Dugsiga TURKSOM, isagoo ku bogaadiyay dadaalkooda iyo adkaysigooda.

Dowladda iyo Mucaaradka oo isku afgartay wadahadal

Dowladda Soomaaliya iyo mucaaradka ayaa isku raacay in la sii wado wadahallada ku saabsan hannaanka doorashooyinka, iyadoo la hiigsanayo in shacabku si toos ah uga qayb qaataan doorashooyinka.

Wasiir Soomaali oo kulan la yeeshay Bangiga Adduunka

Wasiirka Isgaarsiinta Maxamed Soomaali oo Geneva kulan la yeeshay Bangiga Adduunka, isagoo ka hadlay Qorshaha Qaran ee DPI iyo iskaashiga caalamiga ah.

Agaasime-gobaleedka Bangiga Adduunka ee dalalka Somalia, Malawi, Burundi iyo Tanzania, Bella Birdayaa sheegtay in ay Bangiga Adduunka gacan ka siinayaan Bangiga Dhexe Somalia si uu u qaabeeyo Qeybta Ganacsiga Xawaaladaha Lacagta ee gudaha Somalia. Waxay sheegtay inuu Bangiga Adduunka tallaabo muhiim u qaadeen sidii loo taageeri lahaa in Lacagaha Xawaaladaha si toos ah loogu soo diro […]

- Advertisement -

BANGIGA DHEXE SOMALIA

Agaasime-gobaleedka Bangiga Adduunka ee dalalka Somalia, Malawi, Burundi iyo Tanzania, Bella Birdayaa sheegtay in ay Bangiga Adduunka gacan ka siinayaan Bangiga Dhexe Somalia si uu u qaabeeyo Qeybta Ganacsiga Xawaaladaha Lacagta ee gudaha Somalia.

- Advertisement -

Waxay sheegtay inuu Bangiga Adduunka tallaabo muhiim u qaadeen sidii loo taageeri lahaa in Lacagaha Xawaaladaha si toos ah loogu soo diro dadka ku nool gudaha Somalia.

Agaasime-gobaleedka Bangiga Adduunka ee dalalka Somalia, Malawi, Burundi iyo Tanzania, Bella Birda ayaa sheegay inay  raadinayaan codsiyo uga yimaada Shirkado suuro-gal ah inay Wakiil Dacaad ah u noqdaan Bangiga Dhexe ee Somalia si ay gacan uga siiyaan Maamulayaasha inay si joogto u kormeeraan Ganacsiga Xawaalladda Lacagta.

18-kii bilood ee ugu dambeeyey, Shirkadaha Xawaaladaha Somalia waxaa caqabado adag kala kulmeen Xisaab-lacageedkii ay ku lahaayeen Bangiyadda Calaamka, iyadoo ay Dowladaha Reer Galbeedka tuhuno ka muujiyaan halka ay ku dambeeyaan Lacagaha Xawaaladaha ee loo soo diro gudaha dalka Somalia.

- Advertisement -

Dhinaca kale, Xoghayaha Dhaqaalaha ee dalka Britain, Harriet Baldwin ayaa sheegtay inay Soomaalida ku nool Britain muhiim u tahay inay Lacago u soo xawilaan dadkooda ku nool gudaha Somalia, oo ay  Lacagta u tahay Nolol-celin “Lifeline”.

Hawlaha Bangiga Adduunka ka hayaan gudaha Somalia waxaa si aad ah u taageerta Dowladda Britain, oo ay ku jirto Kaalmadda loo soo marsiiyey Waaxda Horumarinta Caalamiga  “The Department for International Development (DfID).

Dhaqdhaqaaqyadda haatan socda ayaa waxaa diiradda lagu saarayaa xaqiijinta Qaabaynta, Xisaabtan ,uuqda iyo Heshiiska Waaxda Ganacsiga ee Xawaaladaha Lacagta.

© Radio Dalsan

 

Xigasho: World Bank

Latest stories