HomeWararSomaliland: SOLJA oo ku biirtay cambaaraynta sii kordhayso ee Been-abuurka Daahir Calasow...

Somaliland: SOLJA oo ku biirtay cambaaraynta sii kordhayso ee Been-abuurka Daahir Calasow iyo Cumar-faaruuq Cismaan

Date:

Related stories

Deni Faces Criticism Over Somaliland Secession Push

Somalia’s Interior Minister Ali Yusuf Ali (Xoosh) on Tuesday...

Somalia nears completion of new Danab base amid anti-Al-Shabaab push

Somalia’s military says a new base for the elite...

Dowladda Federaalka oo Farriin Adag ka Dirtay Midnimada Soomaaliya

Dowladda Federaalka oo Farriin Adag ka Dirtay Midnimada Soomaaliya Muqdisho...

Bayaan ka Soo Baxay Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Bayaan ka Soo Baxay Dowladda Federaalka Soomaaliya. Muqdisho | 18...

Cabinet clears reform agenda ahead of planned elections

Somalia’s cabinet has endorsed a new roadmap to implement...

OMAR 7 DAHIR

War-saxaafadeed ka soo baxay Ururka Suxufiyiinta Somaliland “The Somaliland Journalists Association (SOLJA)” ayaa waxaa lagu muujiyey sida ay uga soo horjeedaan  Wararka been abuurka ee lagu soo daabaco Websaytyadda  sunatimes.com, waagacusub.com iyo  somalispot.com

War-saxaafadeedka waxaa si kulul loogu cambaareeyey Falalka ay Shaqsiyaadka ay ka midka yihiin Omar Faaruuq Osman iyo Daahir Abdulle Alasow oo ah Milkiilaha Websaytka Waagacusub.com ee aan Sharciga ku dhisnayn, aan Khibrad lahayn ee adeegsada Been-abuurka hoos u dhigayo Asaaska ugu muhiimsan run ahaanshaha Saxaafadda ee gudaha iyo Calaamka.

Ururka Suxufiyiinta Somaliland “The Somaliland Journalists Association (SOLJA)” waxay mar kale xaqiijiyeen inaysan Websaytyadaasi Been abuurka matali karin Saxaafadda gudaha Somaliland iyo guud ahaa Goballadda Somalia.

Ururka SOLIJA  waxay ugu baaqeen dadka wax ku soo daaba Websaytyadda sunatimes.com, waagacusub.com iyo  somalispot.com inay sida ugu dhaqsaha badan u joojiyaan  dacaayadeynta, cabsida iyo  Warbixinadda sii kordhayo ee lidka ku ah dadka iyo Ganacsatada, gaar ahaan kuwooda ku nool gudaha Somaliland.

Ururka Suxufiyiinta Somaliland (SOLIJA) waxay ka digeen in dacaayadaha soo noqnoqda ee ay Websaytyadda sunatimes.com, waagacusub.com iyo  somalispot.com ka qoraan Dadka  iyo Shirkadaha Gaarka inay taasi cabsi gelinayso Deganaanshaha iyo Nabadda Waddamadda ku yaalla Geeska Afrika.

War-saxaafadeedka ka soo baxay Ururka Suxufiyiinta Somaliland (SOLIA)  waxay kaloo digeen in Been abuurka ay sameeyaan Omar Faaruuq Osman iyo Daahir Abdulle Alassow oo ah Milkiilaha Websaytka Waagacusub.com horseedi karto cabsi badan oo khatar ah oo saamaynaysa guud ahaan Deganaanshaha Gobalka.

Xigasho: Somaliland Journalist Association (SOLJA)

 © Radio Dalsan

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories