HomeWararIFJ oo loogu baaqay in la joojiyo Taageeradda Qas-wadayaasha Warbaahinta Somalia

IFJ oo loogu baaqay in la joojiyo Taageeradda Qas-wadayaasha Warbaahinta Somalia

Date:

Related stories

Muqdisho Oo Shaacisay Natiijada Fasalka 8aad 2025-2026

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa shaaciyay natiijada imtixaanka Fasalka 8aad, iyadoo saddex arday lagu dhawaaqay inay kaalmaha ugu sarreeya galeen, lana guddoonsiiyay abaalmarinno.

US Releases 600,000 Mosquitoes to Fight Mosquitoes

US Company Releases 600,000 Male Mosquitoes in New Effort to Control Disease-Carrying Species

Mareykanka Oo 600,000 Kaneecooyin Dagaal La Galaya.

Mareykanka ayaa bilaabay hab cusub oo lagula dagaallamayo kaneecada cudurrada gudbisa, iyadoo ilaa 600,000 oo kaneeco lab ah oo Wolbachia sidda lagu sii deynayo Washington DC iyo nawaaxigeeda.

Tababarka Gorgor oo lagu soo xiray Turkiga

Taliyaha Ciidanka Dhulka S/Guuto Sahal Cabdullaahi Cumar oo Turkiga kula soo xiray Guutada 21-aad ee Kumaandooska Gorgor,

Ururka Qaranka Suxufiyiinta Soomaaliyeed (NUSOJ) iyo Dalladda Suxufiyiinta Madaxa Bannaan ee Soomaaliyeed(SIMHA) ayaa ugu baaqay Madaxa Xiriirka Calaamiga ee Suxufiyiinta (IFJ), Jim Boumelhainuu faraha kala baxo, isla markaana joojiyo taageeradda iyo dhiirigelinta uu siiyo Qas-wadayaasha Warbaahinta Somalia (Somali Media Spoilers). War-qoraal oo ay NUSOJ iyo SIMHA si wadajir u soo saareen ayaa lagu muujiyey in […]

- Advertisement -

Ururka Qaranka Suxufiyiinta Soomaaliyeed (NUSOJ) iyo Dalladda Suxufiyiinta Madaxa Bannaan ee Soomaaliyeed(SIMHA) ayaa ugu baaqay Madaxa Xiriirka Calaamiga ee Suxufiyiinta (IFJ), Jim Boumelhainuu faraha kala baxo, isla markaana joojiyo taageeradda iyo dhiirigelinta uu siiyo Qas-wadayaasha Warbaahinta Somalia (Somali Media Spoilers).

War-qoraal oo ay NUSOJ iyo SIMHA si wadajir u soo saareen ayaa lagu muujiyey in Qas-wadayaasha Omar Faaruq Cilmi Cumar iyo Daahir Cabdulle Calasow ka helaan Taageero Xiriirka IFJ, oo ay ku dhibaateeyaan dadka iyo Deeq-bixiyaasha Caalamka, iyagoo ka codsada lacago Laaluush (Bribery Money).

- Advertisement -

Qoraalka ayaa lagu muujiyey inay NUSOJ iyo SIMHA weli ka walaacsan yihiin inay sii socdaan Falalka ay Qas-wdayaashaasi kaga soo horjeedaan Deeq-bixiyaasha Warbaahinta.

Qoraalka waxaa kaloo lagu xusay inuu Omar Faaruuq faa’idooyin shaqsiyadeed ka helo Taageeradda IFJ, wuxuuna Qas-wade Daahir Cabdulle Calasow u fududeyey helitaanka Warqadda Aqoonsiga ee IFJ, si uu u daabaco Maqaalaadka dhaawaci kara  Danaha Guud.

Hadafka uu ka leeyahay inuu adeegsado Maqaalada Madow ama inuu ka faa’iido Lacagaha Laaluushka, wuxuuna falkaasi yahay  mid ka horimaanayo Khibradda iyo Dabeecadda Saxa ee Saxaafadda.

- Advertisement -

© Radio Dalsan

Latest stories