HomeWararMadaxweynaha Somalia iyo Boqorka Sacuudiga oo Kulan Khaas yeelan doono iyo weliba...

Madaxweynaha Somalia iyo Boqorka Sacuudiga oo Kulan Khaas yeelan doono iyo weliba Madaxweynaha oo geeddi u sii ah dalka India

Date:

Related stories

Arab League slams Somaliland office opening in Jerusalem

Arab League Secretary-General Ahmed Aboul Gheit has condemned the...

Commander ousted after reported refusal to deploy troops

- Somali President Hassan Sheikh Mohamud has removed the...

Pirate attacks on two commercial ships thwarted off Somalia

Armed pirates attacked two commercial vessels in separate incidents...

Race intensifies for Somalia Lower House speaker post

Competition is intensifying for the position of Speaker of...
- Advertisement -

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Wafdi uu hoggaaminayo ayaa shalay gaaray caasimadda dalka Sacuudiga ee Riyadh, kadib, markii uu Boqorka dalkaasi, Salmaan Bin C/casiis uu u fidiyey Casuumaad Rasmi ah.

Labada Hoggaamiye ayaa la filayaa inay barqanimadda maanta yeeshaan Shir Khaas ah oo ay kaga hadli doonaa Xiriirka Labada Dal, Iskaashiga Ammaanka Mandiqadda iyo sidii ay Dowladda Sacuudiga taageero Dhaqaale iyo mid Diplomaasiyadeed ugu fidin lahaayeen Dowladda Federalka.

- Advertisement -

Boqorka dalkaasi, Salmaan Bin C/casiis oo dhawr bilood ka hor Xilkaasi qabtay ayaa waxa uu la soo baxay Siyaasaad cusub oo uu Isbahaysi kula yeelanayo Dalalka Mandiqadda iyo kuwa Carbeed, si loo xoojiyo Ammaanka, iyo in laga hortago qorshaha ay Dowladda Iiraan ku doonayso inay saamayn ku yeelato Mandiqadda, gaar ahaan Badda Cas iyo hubka loo gudbiyo Maleeshiyadda Xuutiyiinta Yemen ee gacan-saarka la leh Iiraan.

Dhinaca kale, Wafdiga Madaxweyne Hassan Sheikh Mohamoud waxay u ambabixi doonaan caasimadda dalka India ee New Delhi, si uu uga qeyb galo Shir Madaxeedka dalalka Afrika iyo India.

Shirkaasi ayaa waxaa looga arinsan doonaa kobcinta fursadaha maalgashi ee Afrika iyo India, iskaashi dhaqaale oo labada dhinac dhex mara iyo dhiirigelinta ganacsiga iyo shaqa abuurka.

- Advertisement -

Latest stories