HomeWararUganda oo sheegtay in loo baahan yahay Xal Siyaasadeed si looga guuleysto...

Uganda oo sheegtay in loo baahan yahay Xal Siyaasadeed si looga guuleysto Hawlgalka Milliteri ee Alshabaab

Date:

Related stories

Iskaashi xooggan oo muhiim u ah xasilinta Soomaaliya

Safiirka Ingiriiska Charles King oo ka hadlay Aqoon-is-weydaarsiga 3S, isagoo sheegay in iskaashiga adag iyo hoggaaminta maxalliga ah ay muhiim u yihiin horumarka iyo xasilinta Soomaaliya.

Trump oo ku hanjabay inuu Iran “bur-buriyo” haddii la dilo

Trump oo ku hanjabay inuu Iran "bur-buriyo" haddii ay isku daydo dilkiisa, isagoo sheegay in 1,000 oo gantaal diyaar u yihiin. Xiisadda u dhexeysa Washington iyo Tehran ayaa sii kordheysa.

Markii lacagta caddaanka ah ay fashilantay, isku-xirka ayaa noqday lacag

Sida lacagta mobilada ah ay uga caawisay Soomaaliya inay...

When Cash Failed, Connection Became Currency

When cash failed in Somalia, connection became currency. How mobile money helped rebuild trust, access, and resilience and why EVC Plus became more than a payment method. Read the full story.

Journalists union raps Puntland authorities over arrest of reporter

The National Union of Somali Journalists (NUSOJ) has mounted...

Wasiirkii hore ee Arrimaha Dibedda ee Uganda, Sam Kutesa oo ahaa Madaxii Golaha Ammaanka ee QM ayaa sheegay in ay sii kordhayso Xag-jirnimadda ka jirto Qaraadda Afrika. Isagoo la hadlayey Wakaalladda Wararka Shiinaha ee XINHUA ayaa tilmamaay inaysan ahayn inay dalalka si degdeg ah ugu boodaan Xal Milliteri si wax looga qabto Xag-jirnimaadda, iyadoo aan […]

- Advertisement -

Wasiirkii hore ee Arrimaha Dibedda ee Uganda, Sam Kutesa oo ahaa Madaxii Golaha Ammaanka ee QM ayaa sheegay in ay sii kordhayso Xag-jirnimadda ka jirto Qaraadda Afrika.

Isagoo la hadlayey Wakaalladda Wararka Shiinaha ee XINHUA ayaa tilmamaay inaysan ahayn inay dalalka si degdeg ah ugu boodaan Xal Milliteri si wax looga qabto Xag-jirnimaadda, iyadoo aan si taxadir leh loo eegin waxa gunta u ah ee sababa Xag-jirnimadda Dhallinyarradda.

- Advertisement -

“Tusaale ahaan, waxaan rumeysnahay arrimaha Somalia inuusan ku filnayn Xal Milliteri” ayuu yiri Sam Kutesa, wuxuuna intaasi ku daray in loo baahan yahay  Dowladda Federalka inay taageersato Ummadda, si loo fahmo  wadaagista Nabadda.

Dhinaca kale, Taliyaha Guud ee Milliteriga Uganda, Jeneral Katumba Wamala ayaa isagana taageeray Aragtida Wasiirkii hore ee Arrimaha Dibedda ee Uganda, Sam Kutesa ee Xal-u-helista Kooxaha Xag-jirka ee ka dhisan Qaaradda Afrika iyo Arrimaha Somalia.

Jeneral Wamala waxa uu sheegay inkastoo Hawlgalka Milliteri ee Somalia yahay wax wanaagsan, balse loo baahan yahay in laga eego Xagasha Siyaasadeed.

- Advertisement -

Waxa uu tilmaamay haddii aan Somalia loo helin Siyaasad Jiheysan  iyo Istaraatijiyad Siyaasadeed inaan wax horumar ah laga gaari Karin Dadaalka Somalia.

“Inta badan Saxaiibadda aan ku leenahay gudaha Somalia waxay rumeysan yihiin in Hawlgalka Milliteri noqon karo Xal Kama-dambeysta iyo inay Hawlgalka Milliteriga noqon karo wax xun” ayuu yiri Dhinaca kale, Taliyaha Guud ee Milliteriga Uganda, Jeneral Katumba Wamala

Dhinaca kale, waxa uu tilmaamay haddii ay Ummadda Soomaaliyeed ka garaadsadaan Dagaalladda Beelaha, kana fekeraan Danaha Qaranka in horumar ballaaran laga gaari karo Arrimaha Somalia.

Waxa uu dadka Soomaaliyeed ugu baaqay inay noqdaan Waddaniyiin, isagoo xusay in heerka hooseeya ee Sharci la’aan iyo Kala Dambeyn la’aan

Latest stories