HomeWararXarakadda Alshabaab oo laga digay inay weeraro ka geystaan Kenya marka...

Xarakadda Alshabaab oo laga digay inay weeraro ka geystaan Kenya marka ay bilowdaan Roobka El Nino

Date:

Related stories

Afrika oo Wajahaysa Caqabad Cusub oo Amni

Maalgelinta nabad ilaalinta oo hoos u dhacaysa ayaa Afrika ku qasbaysa inay dib u qaabayso hawlgallada amniga.

Burcad-badeedda Soomaaliya oo Dib u Soo Laabatay: Khatar Cusub

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dib u soo laabatay, iyadoo khatar cusub ku ah maraakiibta gobolka.

Soomaaliya iyo Kenya oo Suuq Cusub Furaya

Soomaaliya iyo Kenya oo xoojinaya ganacsiga, maalgashiga iyo isku-xirka dhaqaale.

Taliyaha Guud ee Boliska Kenya, Joseph Boinnet ayaa sheegay inay heleen Digniino sheegay inay suurtogal tahay inay Alshabaab weeraro ka geystaan magaaalladda Nairobi iyo Goballadda W/bari iyo Xeebta ee Kenya. Waxa uu intaasi ku daray inay Dagaalamayaasha Alshabaab qorsheynayaan inay xuduudka ka soo gudbaan marka ay bilowdaan Roobabka “El Nino rains”, si ay wejiga koowaad […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Taliyaha Guud ee Boliska Kenya, Joseph Boinnet ayaa sheegay inay heleen Digniino sheegay inay suurtogal tahay inay Alshabaab weeraro ka geystaan magaaalladda Nairobi iyo Goballadda W/bari iyo Xeebta ee Kenya.

Waxa uu intaasi ku daray inay Dagaalamayaasha Alshabaab qorsheynayaan inay xuduudka ka soo gudbaan marka ay bilowdaan Roobabka “El Nino rains”, si ay wejiga koowaad ee Weerarkooda uga geystaan Goballadda W/bari iyo Xeebta iyo Nairobi.

- Advertisement -

Taliyaha Guud ee Boliska Kenya, Joseph Boinnet waxa uu ugu baaqay  in heegan la geyliyey Hay’addaha Ammaanka, si ay uga hortagaan weeraradda Alshabaab.

Waxa uu ugu baaqday Dadweynaha Kenya inay si dhow ula shaqeeyaan Hay’addaha Ammaanka ee Dowladda iyo kuwa Shirkadaha Ammaanka ee gaarka loo leeyahay.

Digniintaasi ayaa timid, kadib, markii ay Hay’addaha Ammaanka Kenya soo bandhigeen magacyadda iyo sawiradda Muwaadiniin Kenyaan ka tirsan Alshabaab oo laga cabsi qabo inay weeraro iyo Is-qarxin ka geystaan Nairobi.

- Advertisement -

Dadkaas la soo bandhigay magacyadooda iyo sawiradooda ayaa waxaa lagu kala magacaabaa Omar Patroba Juma, Omar Cuweyti, Ramadan Kiyooko, Anwar Yogan Mawok iyo haweeney lagu magacaabo Shamiin Wanjiru Hussien.

© Radio Dalsan

Latest stories

Afrika oo Wajahaysa Caqabad Cusub oo Amni

Maalgelinta nabad ilaalinta oo hoos u dhacaysa ayaa Afrika ku qasbaysa inay dib u qaabayso hawlgallada amniga.

Afrika oo Wajahaysa Caqabad Cusub oo Amni

Maalgelinta nabad ilaalinta oo hoos u dhacaysa ayaa Afrika ku qasbaysa inay dib u qaabayso hawlgallada amniga.

Burcad-badeedda Soomaaliya oo Dib u Soo Laabatay: Khatar Cusub

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dib u soo laabatay, iyadoo khatar cusub ku ah maraakiibta gobolka.

As Justin Davis Leaves Mogadishu, Washington Is Asking a Different Question About Somalia

As Justin Davis concludes his tenure as Chargé d’Affaires...

No posts to display