HomeWararXOG : Dowladda Uganda oo joojisay Tababarkii Ciiddanka Dowladda Somalia.

XOG : Dowladda Uganda oo joojisay Tababarkii Ciiddanka Dowladda Somalia.

Date:

Related stories

Somali Opposition Sets Conditions for Direct Talks with Government

Somalia’s main opposition coalition, the Somali Future Council, has...

Somalia, Saudi Pledge Stronger Counter-Terrorism Partnership

Somalia’s President Hassan Sheikh Mohamud met with Saudi Arabia’s...

Wasiir Xoosh oo booqday matxafka Qaranka ee ciidanka Algeria

Wasiir Xoosh oo booqday Matxafka Qaranka ee Algeria. Wuxuu xusay halgankii gobannimo-doonka iyo muhiimadda iskaashiga labada dal.

Sida maanta lagu soo daabacay Wargeyska “African Intelligence”, waxay Dowladda Uganda ku dhawaaqday inay joojisay gebbi ahaan Tababarkii ay siin jireen Ciiddanka Dowladda Somalia.

Baarayaal ka tirsan Ciiddanka Uganda ayaa sheegay inay tuhunsan yihiin jiraan Ciiddan ka goostay Dowladda Federalka, kuna biiray Dagaalamayaasha Alshabaab.

Tuhunka ugu weyn ee Guddiga Baarayaasha Milliteriga Uganada ayaa yimid, kadib, markii ay Dagaalyahanno Alshabaab oo Tababaran ay bishii September 1-dii ee la soo dhaafay ay weerareen Saldhig ay Ciiddanka Uganda ku lahaayeen Deegaanka Jannaale ee Gobalka Sh/hoose.

Weerarkaasi ayaa la sheegay in lagu dilay Ciiddan badan oo Ugandese ah, waxayna Diplomaasiyiinta Reer Galbeedka sheegeen in weerarkaasi lagu dilay 50 Askari oo ka tirsan Ciiddanka Uganda ee qeybta ka ah Hawlgalka AMISOM.

Inta badan Khubaro Milliteri oo ka socota Ururka Midowga Europe iyo Saraakiil Ugandese ayaa waxay Ciiddanka Soomaalida ku tababaraan Xeradda Tababarka Milliteriga Aljzeera ee magaalladdan Muqdisho.

Dhinaca kal,e ma kala cadda in go’aanka ay Ciiddanka Uganda ku gaareen inay joojiyaan Tababarka Ciiddanka Dowladda Federalka inuu wax u dhimayo Heshiiska Qandaraaska QM ee Dowladda Uganda horey loogu siiyey Tababarista  Ciiddanka Dowladda Somalia.

© Radio Dalsan

Source: African Intelligence

 

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories