HomeWararQM oo sheegtay inay jiraan Qas-wadayaal khatar ku ah Nabadda iyo Deganaanshaha...

QM oo sheegtay inay jiraan Qas-wadayaal khatar ku ah Nabadda iyo Deganaanshaha Somalia.

Date:

Related stories

JSP oo Cali Guudlaawe U Doortay Musharraxa Hirshabeelle

Cali Guudlaawe ayaa si rasmi ah loogu aqoonsaday musharraxa Xisbiga Caddaaladda iyo Wadajirka (JSP) ee doorashada madaxtinimada Hirshabeelle, kaddib go’aan ay xubnaha fulinta xisbiga ku gaareen Muqdisho.

Maaliyadda iyo Arrimaha Dibadda oo Ku Guuleystay Qiimeynta Waxqabadka

Wasaaradaha Maaliyadda iyo Arrimaha Dibadda oo kaalmaha ugu sarreeya ka galay qiimeynta waxqabadka Xukuumadda, laguna guddoonsiiyay abaalmarinno.

Ruushka oo Tareen Rakaab Ku Weeraray Xadka Poland

Boris Johnson oo cambaareeyay weerar drone oo Ruushka lagu eedeeyay inuu ku qaaday tareen rakaab oo ku dhow xadka Poland.

Guddiga QM ugu qaabilsan Kormeerka Cunaqabataynta Hubka ee saaran dalalka Somalia iyo Eritrea ee “The Monitoring Group on Somalia and Eritrea” waxay soo saareen Warbixin dheer oo ay kaga hadleen Arrimo badan iyo Dhaliilaha ka jira Dhinacayda Hay’addaha Dowladda Federalka,Kala-qeybsanaanta Xildhibaanadda Barlamaanka Federalka, Heshiisyadda ay Dowladda Federalka iyo kuwa Dowlad-gobaledyadda la galaan Shirkadaha Calaamiga ee […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Guddiga QM ugu qaabilsan Kormeerka Cunaqabataynta Hubka ee saaran dalalka Somalia iyo Eritrea ee “The Monitoring Group on Somalia and Eritrea” waxay soo saareen Warbixin dheer oo ay kaga hadleen Arrimo badan iyo Dhaliilaha ka jira Dhinacayda Hay’addaha Dowladda Federalka,Kala-qeybsanaanta Xildhibaanadda Barlamaanka Federalka, Heshiisyadda ay Dowladda Federalka iyo kuwa Dowlad-gobaledyadda la galaan Shirkadaha Calaamiga ee Shidaalka iyo Gaaska, Dhoofinta Dhuxusha, Kalluumeysiga Sharc-darradda Dhaqdhaqaaqyadda Alshabaab ka wadaan dalalka Gobalka iyo Hubka Dowladda ee lagu iibiyo Bakaaraha.

Warbixinta waxa kaloo lagu soo bandhigay Musuqa wel ka dhex jira Hay’addaha Dowladda Federalka iyo Calawsanaanta Nidaamka Maaliyadda iyo Bangi Dhexe ee Somalia.

- Advertisement -

Warbixinta Guddiga QM waxaa si aad ah looga muujiyey Walaaca ay ka qabaan Siyaasiyiinta Dowladda Dhexe iyo kuwa Goballadda ee faraha kula jira Carqaladaynta Nabadda iyo Deganaanshaha Somalia, waa sida Warbixinta lagu xusay.

Warbixinta waxaa si guud loogu muujiyey inay Shabakado Qas-wadayaal ka jiraan Somalia  (Spoilers Networks in Somalia) iyo inay Xildhibaanadda Barlamaanka u kala qeybsan yihiin Labo Kooxood oo kala ah: Dam Jadiid oo taabasan  Madaxweynaha iyo Kooxda Ala-sheekh ee Mucaarad ah.

Guddiga QM ugu qaabilsan Kormeerka Cunaqabataynta Hubka ee saaran dalalka Somalia iyo Eritrea ee “The Monitoring Group on Somalia and Eritrea” waxay kaloo Warbixintooda ku sheegeen inay Xildhibaanadda Barlamaanka ku caan baxeen marka Barlamaanka la hor keeno  Mooshinadda, siiba kuwa ka dhanka ah Ra’isul-wasaarayaasha inay Codkooda iibsadaan “Vote for Cash”.

- Advertisement -

Guddiga QM ugu qaabilsan Kormeerka Cunaqabataynta Hubka ee saaran dalalka Somalia iyo Eritrea ee “The Monitoring Group on Somalia and Eritrea” waxay sheegeen in loo baahan yahay inay Xildhibaanadda Barlamaanka Federalka Somalia noqdaan kuwa ilaaliya Dhaqan-celinta Sharciga.

© Radio Dalsan

 

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts