HomeWararQM oo soo bandhigtay Warbixin muujinaysa Maamul-xumo ka dhacday Safaaradda Somalia ee...

QM oo soo bandhigtay Warbixin muujinaysa Maamul-xumo ka dhacday Safaaradda Somalia ee Nairobi.

Date:

Related stories

JSP oo Cali Guudlaawe U Doortay Musharraxa Hirshabeelle

Cali Guudlaawe ayaa si rasmi ah loogu aqoonsaday musharraxa Xisbiga Caddaaladda iyo Wadajirka (JSP) ee doorashada madaxtinimada Hirshabeelle, kaddib go’aan ay xubnaha fulinta xisbiga ku gaareen Muqdisho.

Maaliyadda iyo Arrimaha Dibadda oo Ku Guuleystay Qiimeynta Waxqabadka

Wasaaradaha Maaliyadda iyo Arrimaha Dibadda oo kaalmaha ugu sarreeya ka galay qiimeynta waxqabadka Xukuumadda, laguna guddoonsiiyay abaalmarinno.

Ruushka oo Tareen Rakaab Ku Weeraray Xadka Poland

Boris Johnson oo cambaareeyay weerar drone oo Ruushka lagu eedeeyay inuu ku qaaday tareen rakaab oo ku dhow xadka Poland.

Guddiga QM ugu qaabilsan Kormeerka Cunaqabataynta Hubka ee saaran dalalka Somalia iyo Eritrea ee The Monitoring Group on Somalia waxay bishan October 9-dii u gudbiyeen xubnaha Golaha Ammaanka ee QM Warbixin Guud oo ay kaga hadleen Xaalladaha baaritaankooda ee Arrimaha dalalka Somalia iyo Eritrea. Warbixinta oo ka koobnayd 322 bog ayaa waxaa si gaar ah […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Guddiga QM ugu qaabilsan Kormeerka Cunaqabataynta Hubka ee saaran dalalka Somalia iyo Eritrea ee The Monitoring Group on Somalia waxay bishan October 9-dii u gudbiyeen xubnaha Golaha Ammaanka ee QM Warbixin Guud oo ay kaga hadleen Xaalladaha baaritaankooda ee Arrimaha dalalka Somalia iyo Eritrea.

Warbixinta oo ka koobnayd 322 bog ayaa waxaa si gaar ah looga hadlay Arrimaha Siyaasadda, Burcad-baddeeda, Kalluumeysiga Sharci-darradda, Hubka Ciiddanka Dowladda Somalia ee la sii iibiyo.

- Advertisement -

Warbixinadda waxaa lagu soo bandhigay Tixraacyo Sawirro iyo Dukumentiyo Saxiixaan watay.

Warbixinta waxaa kaloo lagu soo bandhigay Qaabka loo ilaaliyo Xayiraadda Hubka, Kharajyadda Dowladda soo gala, Xisaab-lacageedyadda Hay’aaddaha Dowladda ku leeyihiin Shirkadaha Xawaaladaha iyo qoddobo kale.

Qeyb ka mid ah Warbixinta Guddiga QM ugu qaabilsan Kormeerka Cunaqabataynta Hubka ee saaran dalalka Somalia iyo Eritrea ee The Monitoring Group on Somalia waxaa ku jiray Dhaliil ay u jeedisay Safaaradda Somalia ku leedahay Kenya iyo qaabka loo maamulo Kharajyadda Safaaradda uga  soo xerooda Adeegyadda Biixnta Baasabooradda iyo Dukumentiga (Travel Documents).

- Advertisement -

Warbixinta waxay farta ku goday inay Maamul-xumo baahsan ka jirtay Safaaraddaasi, muddadii uu Safiirka ka ahaa Danjire Maxamed Cali Ameriko, waa sida ay Guddiga Kormeerka QM shaaciyeen.

Warbixinta waxaa lagu sheegay inay Dakhliga ka soo xerooday Baasabooradda cusub aan si wanaagsan loogu shibin Lacag-xisaabeedka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Dowladda Federalka ku leedahay Xawaaladaha Dahabshiil iyo Amal.

Warbixinta waxay sheegtay in ay Safaradda Somalia ee Kenya ay halkii Passaport ku iibiyaan 130-Dollar, iyadoo halkii Dukumentiga Socdaalka ee (Travel Document) lagu iibiyo 55-Dollar.

Warbixinta waxaa lagu sheegay in ka badan 7,500 oo qof laga iibiyey Dukumentiga Dhoofka.

Dakhligaasi waxaa Wasaaradda Arrimaha Gudaha halkii Baasaboor ku leedahay 98-Dollar, halka ay Safaaradana 32-dollar ku leedahay Hal Passaport,  oo dhigaal looga dhigay Kharajka Safaaradda.

Guddiga QM ee The Monitoring Group on Somalia waxay soo xigteen Ilo u sheegay in Ambassador Ali Amerika uu 10-maalin ka hor inta uusan wareejinin Xilka Safiirnimo geeyey Safaaradda Khubaro ku takhasustay Teknoolajiyadda Kombiyuutarada,  lana wada tirtiray Xogihii ku kaydsanaa dhamaan Kombiyuutarada yaalla Safaaradda.

Dhinaca kale, Guddiga QM ugu qaabilsan Kormeerka Cunaqabataynta Hubka ee saaran dalalka Somalia iyo Eritrea ee The Monitoring Group on Somalia, waxay Warbixintooda ku sheegeen inuu jiro Nin lagu  magacaabo Mohamed Ahmed Anwar oo aan ka mid ahayn Shaqaalaha Safaaradda oo saxiixay Waraaqaha Xawilaadda lacagaha ee Safaaradda.

Warbixinta ayaa lagu sheegay inuu Danjire Ali Americo mararka qaarkooda uu shaqsi ahaan u qaban jirey Hawlaha Xawilaadda ee inta badan uu u qaban jirey Saaxiibkiisa Mohamed Ahmed Anwar, waa sida lagu xusay Warbixinta.

Guddigu waxay kaloo sheegeen inay Waraaqaha Lacagaha la xawilo ku jirtay kuwo muujinaya inuu Anwar Mohamed Axmed uu bishii April 4-da ee sannadkan dhowr jeer lacago kala baxay Xisaab-Lacageedka Safaaradda.

Source: The Monitoring Group on Somalia

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts