HomeWararFaahfaahin: Kharajkii ay Dowladda Australia ku bixisay Masaafurinta Haweeney Somali xaamilo ah.

Faahfaahin: Kharajkii ay Dowladda Australia ku bixisay Masaafurinta Haweeney Somali xaamilo ah.

Date:

Related stories

Soomaaliya iyo Kenya oo Suuq Cusub Furaya

Soomaaliya iyo Kenya oo xoojinaya ganacsiga, maalgashiga iyo isku-xirka dhaqaale.

Daniel iyo Labada Hooyo: Xaqiiqada Sheekada

Daniel iyo labada hooyo: maxaa run ah, maxaase aan la xaqiijin?

Xasan Sheekh oo Belgrade Fariin Adag Ka Jeediyay

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Belgrade uga qaybgalaya shir lagu xusayo 65-guuradii Dhaqdhaqaaqa Dalalka Aan Isbahaysiga Ahayn,

Koonfur Galbeed Oo Ansixisay Dib-u-eegista Miisaaniyadda 2026

Golaha Wakiillada Koonfur Galbeed ayaa ansixiyey dib-u-eegista miisaaniyadda 2026, kadib dood iyo falanqeyn dheer oo ku saabsan dakhliga, deeqaha iyo kharashaadka dowladda.

Maxay McDonald’s Iyo KFC Uga Cabsadeen Soomaaliya?

Inkasta oo Muqdisho ay ku badan yihiin burgerro, shawarma iyo digaag la shiilay, shirkadaha waaweyn sida McDonald’s, KFC iyo Starbucks weli si rasmi ah ugama howlgalaan Soomaaliya.

Qandaraaslayaal u shaqeeya Dowladda Australia ayaa soo bandhigay in Dib-u-celinta Haweeneydaasi oo magaceeda lagu soo koobay Abyan lagu bixiyey in ka badan 130,000 Dollar,  iyadoo  loogu kireeyey Diyaarad Khaas ah oo nooceedu ahaa Boeing 737 BBJ Jet. Bishan 16-dii ayaa waxaa Abyan si qarsoodi ah Diyaaradaasi looga soo qaaday magaalladda Sydney, iyadoo lagu celiyey Xaruntii […]

- Advertisement -

Qandaraaslayaal u shaqeeya Dowladda Australia ayaa soo bandhigay in Dib-u-celinta Haweeneydaasi oo magaceeda lagu soo koobay Abyan lagu bixiyey in ka badan 130,000 Dollar,  iyadoo  loogu kireeyey Diyaarad Khaas ah oo nooceedu ahaa Boeing 737 BBJ Jet.

Bishan 16-dii ayaa waxaa Abyan si qarsoodi ah Diyaaradaasi looga soo qaaday magaalladda Sydney, iyadoo lagu celiyey Xaruntii Qaxootiga ee horey loogu kufsaday.

- Advertisement -

Dowladda Australia waxay sheegtay in Abyan iyada go’aansatay in dib loogu celiyo Jesiiradda Nauru, balse Haweeneydaasi waxay sheegtay in si khasab ah loo soo masaafuriyey.

Koox u dooda Xuuqda Qaxootiga oo lagu magacaabo The Greens ayaa sheegtay inay Garyaqaan u qaban doonaan Abyan, si uu uga taageero dhinaca Sharciga dacwadda ka dhanka ah Dowladda Australia.

Afhayeen u hadashay Kooxdaasi ayaa sheegtay in ay ka codsadeen Dacwad-baaraha Dowladda ka dhisan Jesiiradda Nauru, Philip Moss inuu qaab Garyaqaan Madax-bannaan u tagaeero Haweeneyda Soomaalida ee ay rag shisheeye ah kufsadeen bartamihii bishii July ee sannadkan.

- Advertisement -

Dhinaca kale, Wargeyska The Guardian ee ka soo baxa dalka Britain ayaa qoray inay  Abyan horey uga soo qaxday dagaalladda ka socday Somalia, waxayna 2 sanno ka hor Tahriib dhinaca Badda ku soo gaartay Jesiiradda Christmas Island ee Australia.

Bishii November ee sannadkii 2014-kii, Mas’uuliyiinta Jesiiradda Nauru waxay Abyan u aqoonsadeen  inay tahay Qaxooti Dhab ah, kadib, markii ay sheegtay inay Somalia ka soo carartay sannadkii 2007-dii iyo inay Qoyskeeda ku geeriyoodeen Hoobiye ku habsaday.

 Radio Dalsan

Latest stories