HomeWararBoliska Kenya oo sheegay inay Rag lala xiriirnayo Xarakadda Alshabaab ku qabteen...

Boliska Kenya oo sheegay inay Rag lala xiriirnayo Xarakadda Alshabaab ku qabteen Mombasa

Date:

Related stories

Somalia Trains First Government Cybersecurity Cohort

The National Communications Authority (NCA) has completed its first...

Golaha Shacabka oo dhaariyey Wasiirka Warfaafinta cusub

Soomaaliya: Golaha Shacabka oo dhaariyey Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Mudane Cabdifitaax Qaasim.

HIQ oo xiray tababarkii shahaadooyinka amniga saaybarka

Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka oo soo gebagebeysay tababarkii shahaadooyinka amniga saaybarka.

Soomaaliya oo taariikhdii ugu horeysay ka qayb gashay shirka ITF

Soomaaliya oo taariikhda ku qortay markii ugu horreysay ka qaybgalka Shirka ITF ee Jarmalka. Agaasimaha Guud Cumar Afrax: “Madasha ayaa na ku casuuntay xubin buuxda.”

Caleemo-saarka Jabuuti: Xasan Sheekh oo xoojiyay xiriirka gobolka

Xasan Sheekh oo ka qayb galay caleemo-saarka Jabuuti Jabuuti, 10...

Hadal ka soo baxay Boliska Kenya ayaa la sheegay inay gacanta ku dhigeen dhowr qof oo Kenyaan la sheegay inay gacan-saar la leeyihiin Xarakadda Alshabaab, isla markaana ka dambeeyeen falal lagu dilay dad wararka u geeya Boliska Kenya.

Taliyaha Boliska Gobalka Mombaasa, Henry Ondiek ayaa sheegay in labad qof ee la soo qabtay uu ka mid yahay Luqmaan Mohamed Khatiib oo uu ku tilmaamay Hoggaamiye muhiim u ah Xarakadda Alshabaab, waa sida uu hadalka u dhigay.

Waxa uu intaasi ku daray inuu Luqmaan Mohamed Khatiib lala qabtay nin kale oo lagu tilmaamay inuu ahaa qof ay Boliska Kenya aad u baadi-goobayeen.

Luqmaan Mohamed Khatiib oo lala xiriiriyo Dagaalamayaasha Jaysh Ayman ee Alshabaab ayaa waxaa lagu qabtay Xaafadda Mapuka ee Mombasa.

Waxaa la sheegay inuu la dagaalamay ciiddankii qabtay, oo uu hal Askari ka dhaawacay.

Saraakiil ka socotay  Saldhigga Boliska Makupa ayaa la sheegay inay rasaas fureen, xilligii la qabanayey Raggaasi.

Dhinaca kale, Waxay Boliska horey u xireen nin la dhashay Luqmaan Mohamed Khatiib oo lagu magacaabo Kayuni Mohamed Khatiib, kaasi oo lagu hayo Xabsiga  Shimo la Tewa prison ee magaalladda Mombasa.

© Radio Dalsan

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories