HomeWararKumanaan Qaxooti Soomaali oo la qorsheynayo inay ka soo hayaamaan Xeryaha Qaxootiga...

Kumanaan Qaxooti Soomaali oo la qorsheynayo inay ka soo hayaamaan Xeryaha Qaxootiga Dhadhaab ee Kenya.

Date:

Related stories

Soomaaliya iyo Kenya oo Suuq Cusub Furaya

Soomaaliya iyo Kenya oo xoojinaya ganacsiga, maalgashiga iyo isku-xirka dhaqaale.

Daniel iyo Labada Hooyo: Xaqiiqada Sheekada

Daniel iyo labada hooyo: maxaa run ah, maxaase aan la xaqiijin?

Xasan Sheekh oo Belgrade Fariin Adag Ka Jeediyay

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Belgrade uga qaybgalaya shir lagu xusayo 65-guuradii Dhaqdhaqaaqa Dalalka Aan Isbahaysiga Ahayn,

Koonfur Galbeed Oo Ansixisay Dib-u-eegista Miisaaniyadda 2026

Golaha Wakiillada Koonfur Galbeed ayaa ansixiyey dib-u-eegista miisaaniyadda 2026, kadib dood iyo falanqeyn dheer oo ku saabsan dakhliga, deeqaha iyo kharashaadka dowladda.

Maxay McDonald’s Iyo KFC Uga Cabsadeen Soomaaliya?

Inkasta oo Muqdisho ay ku badan yihiin burgerro, shawarma iyo digaag la shiilay, shirkadaha waaweyn sida McDonald’s, KFC iyo Starbucks weli si rasmi ah ugama howlgalaan Soomaaliya.

Afhayeenka Hay’adda QM ugu qaabilsan Arrimaha Qaxootiga (UNHCR), Adrian Edwards oo Saxaafadda kula hadlay Xarunta Dhexe ee UNHCR ku leedahay  magaalladda Geneva ee dalka Switzerland ayaa  sheegay inay Kumanaan Qaxooti Soomaali ah iskooda isugu diiwaan geliyeen inay dib ugu soo laabtaan dalkooda hooyo. Afhayeenka waxa uu intaasi ku daray inay  4,500 oo Qaxooti Somali ah […]

- Advertisement -

Afhayeenka Hay’adda QM ugu qaabilsan Arrimaha Qaxootiga (UNHCR), Adrian Edwards oo Saxaafadda kula hadlay Xarunta Dhexe ee UNHCR ku leedahay  magaalladda Geneva ee dalka Switzerland ayaa  sheegay inay Kumanaan Qaxooti Soomaali ah iskooda isugu diiwaan geliyeen inay dib ugu soo laabtaan dalkooda hooyo.

Afhayeenka waxa uu intaasi ku daray inay  4,500 oo Qaxooti Somali ah la diiwaan-geliyey, lana siiyey Kharajkii iyo Agabka kale ee ay ku soo safri lahaayeen, wuxuuna xusay inay dib ugu soo laaban doonaan Somalia dhowrka bilood ee soo socda.

- Advertisement -

Dhinaca kale,  Afhayeenka Hay’adda QM ugu qaabilsan Arrimaha Qaxootiga (UNHCR), Adrian Edwards waxa uu tilmaamay inay ku-dhawaad 5,000  oo Qaxooti Soomaali ah ku soo laabteen dalkooda hooyo tan iyo wixii ka dambeeyey bishii December ee sannadkii hore ee 2014-ka.

Hadalka Afhayeenka ayaa waxa uu ku soo beegmay iyadoo Shirweyne Caalami oo looga hadlayo Arrimaha Qaxootiga Soomaalida ku sugan Xeryaha Qaxootiga ee ku yaalla W/bari Kenya uu maalinta Arbacadda ee soo socota ka furmi doono Caasimadda dalka Belgium ee Brussels.

Shirkaasi waxaa Dowladda Federalka Somalia uga qeyb geli doona Ra’isul-wasaare Cumar C/rashiid, halka ay Dowladda Kenyana ay uga qeyb galayso Wasiirka Arrimaha Dibedda ee dalkaasi, Amina Mohamed.

- Advertisement -

Madaxa Hay’adda UNHCR, Antonio Guterres ayaa shir guddoomin doona Kulankaasi oo looga hadlayo Dib-u-soo-celinta Qaxootiga Soomaalida iyo sidii loo dhisi lahaa  Deegaanadda ay Qaxootigaasi ku laaban doonaan.

© Radio Dalsan

DADAB

Latest stories