HomeWararQoor-gooyaha Daacish, Jihadi John oo qorsheynayo inuu u soo baxsado Somalia iyo...

Qoor-gooyaha Daacish, Jihadi John oo qorsheynayo inuu u soo baxsado Somalia iyo Ciiddamo Khaas oo British u soo dirtay Somalia

Date:

Related stories

Soomaaliya iyo Kenya oo Suuq Cusub Furaya

Soomaaliya iyo Kenya oo xoojinaya ganacsiga, maalgashiga iyo isku-xirka dhaqaale.

Daniel iyo Labada Hooyo: Xaqiiqada Sheekada

Daniel iyo labada hooyo: maxaa run ah, maxaase aan la xaqiijin?

Xasan Sheekh oo Belgrade Fariin Adag Ka Jeediyay

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Belgrade uga qaybgalaya shir lagu xusayo 65-guuradii Dhaqdhaqaaqa Dalalka Aan Isbahaysiga Ahayn,

Koonfur Galbeed Oo Ansixisay Dib-u-eegista Miisaaniyadda 2026

Golaha Wakiillada Koonfur Galbeed ayaa ansixiyey dib-u-eegista miisaaniyadda 2026, kadib dood iyo falanqeyn dheer oo ku saabsan dakhliga, deeqaha iyo kharashaadka dowladda.

Maxay McDonald’s Iyo KFC Uga Cabsadeen Soomaaliya?

Inkasta oo Muqdisho ay ku badan yihiin burgerro, shawarma iyo digaag la shiilay, shirkadaha waaweyn sida McDonald’s, KFC iyo Starbucks weli si rasmi ah ugama howlgalaan Soomaaliya.

Wargeyska The Mirror ee ka soo baxa dalka Britain ayaa waxa uu maanta oo Axad ah qoray inay Ciiddanka Khaaska ee Britain ee British SAS Special Forces qorsheyanayaan inay Nolosha ku soo qabtaan Jihadistaha Britishka ee Mohamed Emawazi, laguna naanayso Jihadiste John, kaasi oo Dagaalamayaasha Daacish ugu qaabilsanaa Qoor-goynta La-haystayaasha Reer Galbeedka. Jihadi John waxa […]

- Advertisement -

Wargeyska The Mirror ee ka soo baxa dalka Britain ayaa waxa uu maanta oo Axad ah qoray inay Ciiddanka Khaaska ee Britain ee British SAS Special Forces qorsheyanayaan inay Nolosha ku soo qabtaan Jihadistaha Britishka ee Mohamed Emawazi, laguna naanayso Jihadiste John, kaasi oo Dagaalamayaasha Daacish ugu qaabilsanaa Qoor-goynta La-haystayaasha Reer Galbeedka.

Jihadi John waxa uu horey Surka uga jaray Labo Muwaadin oo British ah oo la kala oran jirey David Haines iyo Alan Henning.

- Advertisement -

Ilo ka tirsan Ammaanka Dowladda Maraykanka ayaa u sheegay Wargeyska “The Sunday Peope” inay Hoggaamiyayaasha Daacish gooni isaga riixeen Jihadi John oo aan haatan wax Mansab ah ku dhex lahayn Doorka Hoggaamineed ee Hawlgalladda Daacish.

Ilo-wareedyadaasi oo codsaday inaan la magacaabin waxay sheegeen inuu Jihadi Johan xiriir la sameeyey Kooxaha kale ee Jihaadistayaasha ee ku sugan dalka Syria, kuwaasi oo mucaarad ku ah Kooxdaa Daacish.

“Jihadi Johan waxa uu u muuqdaa nin quus taagan oo garanayo inay maalmihiisa kooban yihiin, wuxuuna samaynayaa qaab kasta oo ku badbaadin karo Noloshiisa” ayey Ilo-wareedka Maraykanka u sheegeen Wargeyska The Sunday People.

- Advertisement -

Hay’addaha Sirdoonka Maraykanka waxay door-bideen inay inay Ciiddanka Khaaska ee Britain ee British SAS Special Forces inay hoggaamiyaan Hawlgalka lagu soo qabanayo Jihadiste  John, sababo la xiriira Arrimo Sharciga iyo Siyaasadda.

Dhinaca kale, Hay’adaha Mukhaabaraadka Britain iyo Maraykanka ayaa ururinaya xogo hoose oo ku aadan inuu Qoor-gooyaha Kooxda Daacish, Jihadi John ku hawlan yahay sidii uu qaab dhuumaalaysi ah ugu soo haajiri lahaa Somalia, si uu ugu biiro Xarakadda Alshabaab.

Wargeyska The Mirror waxa uu qoray inaysan wax lala yaabo ahayn in la ogaado inuu Qoor-gooyaha Daacish, Jihadiste  John sameeyey dadaallo uu dhowr sanno ugu jiray inuu ugu safro Somalia, taasi oo soo jiidatay Dareenka Maamulayaasha Britain.

Bishii la soo dhaafay ee September 27-dii, Ra’isul-wasaaraha Britain, David Cameron waxa uu sheegay inuu ku-dhawaad 70 Askari oo ka tirsan Ciiddanka Khaaska ee Britain ee British SAS Special Forces u soo diri doono  Somalia si ay u taageeraan Ciiddamadda Dowladda Somalia iyo Hawlgalka AMISOM.

© Radio Dalsan.

Xigasho: MIrror.co.uk

Latest stories