HomeWararDowladda Masar oo amaantay qaabka loo macaamilay Shaqaalihii la socday Diyaaradii...

Dowladda Masar oo amaantay qaabka loo macaamilay Shaqaalihii la socday Diyaaradii ku burburtay Carbiska

Date:

Related stories

Soomaaliya iyo Kenya oo Suuq Cusub Furaya

Soomaaliya iyo Kenya oo xoojinaya ganacsiga, maalgashiga iyo isku-xirka dhaqaale.

Daniel iyo Labada Hooyo: Xaqiiqada Sheekada

Daniel iyo labada hooyo: maxaa run ah, maxaase aan la xaqiijin?

Xasan Sheekh oo Belgrade Fariin Adag Ka Jeediyay

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Belgrade uga qaybgalaya shir lagu xusayo 65-guuradii Dhaqdhaqaaqa Dalalka Aan Isbahaysiga Ahayn,

Koonfur Galbeed Oo Ansixisay Dib-u-eegista Miisaaniyadda 2026

Golaha Wakiillada Koonfur Galbeed ayaa ansixiyey dib-u-eegista miisaaniyadda 2026, kadib dood iyo falanqeyn dheer oo ku saabsan dakhliga, deeqaha iyo kharashaadka dowladda.

Maxay McDonald’s Iyo KFC Uga Cabsadeen Soomaaliya?

Inkasta oo Muqdisho ay ku badan yihiin burgerro, shawarma iyo digaag la shiilay, shirkadaha waaweyn sida McDonald’s, KFC iyo Starbucks weli si rasmi ah ugama howlgalaan Soomaaliya.

Iyadoo ay lixdii Shaqaalaha Masaarida ee la socday Diyaarada burburtay saakayto ka degi doonaan Garoonka Calaamiga ee Diyaaradaha ee magaalladda Qaahira ayaa waxaa Dowladda Federalka lagu ammaanay qaabka ay u maareysay Shilkaasi. Madaxa Hay’adda Diyaaradaha Rayidka ee dalka Masar, Mohamoud Alsanaati ayaa sheegay inay Dowladda Somalia gudatay Waajibkii Caalamiga ee ka saarnaa Baaritaanka Shilkaasi. Waxa […]

- Advertisement -

Iyadoo ay lixdii Shaqaalaha Masaarida ee la socday Diyaarada burburtay saakayto ka degi doonaan Garoonka Calaamiga ee Diyaaradaha ee magaalladda Qaahira ayaa waxaa Dowladda Federalka lagu ammaanay qaabka ay u maareysay Shilkaasi.

Madaxa Hay’adda Diyaaradaha Rayidka ee dalka Masar, Mohamoud Alsanaati ayaa sheegay inay Dowladda Somalia gudatay Waajibkii Caalamiga ee ka saarnaa Baaritaanka Shilkaasi.

- Advertisement -

Waxa uu intaasi ku daray inay Dowladda Somalia xaq u lahayd inay Baaritaan Farsamo sameeyaan, iyadoo la raacayo Qaanuunka Caalamiga ee Shilalka Diyaaradaha Rayidka.

Madaxa Hay’adda Diyaaradaha Rayidka ee dalka Masar, waxa kaloo uu sheegay inay si joogta ah uga war-hayeen Lixda Shaqaale ee la socotay Diyaaradii ku burburtay Deegaanka Carbiska ee duleedka Muqdisho, wuxuuna xusay inay aad xaalladooda wanaagsan tahay.

Diyaaraddaasi oo nooceedu ahaa Aitbus 300 waxaa lahayd Shirkadda Diyaaradaha ee Tristar ee dalka Masar.

- Advertisement -

© Radio Dalsan

Latest stories