HomeWararShaqaalihii Masaarida ee la socday Diyaaradii ku burburtay Carbiska oo la sii...

Shaqaalihii Masaarida ee la socday Diyaaradii ku burburtay Carbiska oo la sii daayey, kuna wajahan dalkooda hooyo

Date:

Related stories

Soomaaliya iyo Kenya oo Suuq Cusub Furaya

Soomaaliya iyo Kenya oo xoojinaya ganacsiga, maalgashiga iyo isku-xirka dhaqaale.

Daniel iyo Labada Hooyo: Xaqiiqada Sheekada

Daniel iyo labada hooyo: maxaa run ah, maxaase aan la xaqiijin?

Xasan Sheekh oo Belgrade Fariin Adag Ka Jeediyay

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Belgrade uga qaybgalaya shir lagu xusayo 65-guuradii Dhaqdhaqaaqa Dalalka Aan Isbahaysiga Ahayn,

Koonfur Galbeed Oo Ansixisay Dib-u-eegista Miisaaniyadda 2026

Golaha Wakiillada Koonfur Galbeed ayaa ansixiyey dib-u-eegista miisaaniyadda 2026, kadib dood iyo falanqeyn dheer oo ku saabsan dakhliga, deeqaha iyo kharashaadka dowladda.

Maxay McDonald’s Iyo KFC Uga Cabsadeen Soomaaliya?

Inkasta oo Muqdisho ay ku badan yihiin burgerro, shawarma iyo digaag la shiilay, shirkadaha waaweyn sida McDonald’s, KFC iyo Starbucks weli si rasmi ah ugama howlgalaan Soomaaliya.

Diplomaasiyiin ka socday Wasaaradda Arrimaha Dibedda Masar iyo Ergada Qunsulliyadda Masar ku leedahay magaalladda Nairobi ee dalka Kenya ayaa la sheegay inay Wada-xaajood dheer la yeesheen Madax ka tirsan Dowladda Federalka, si loo sii daayo Shaqaalihii Diyaaradda Masar ee dhowr maalmood ka hor ku burburtay duleedka Muqdisho. Shabakadda Wararka Masar ee albawabhnews.com ayaa qortay in […]

- Advertisement -

Diplomaasiyiin ka socday Wasaaradda Arrimaha Dibedda Masar iyo Ergada Qunsulliyadda Masar ku leedahay magaalladda Nairobi ee dalka Kenya ayaa la sheegay inay Wada-xaajood dheer la yeesheen Madax ka tirsan Dowladda Federalka, si loo sii daayo Shaqaalihii Diyaaradda Masar ee dhowr maalmood ka hor ku burburtay duleedka Muqdisho.

Shabakadda Wararka Masar ee albawabhnews.com ayaa qortay in 6-dii shaqaalaha Diyaaradaasi shalay dib loogu wareejiyey Baasabooradooda, isla markaana ay ka soo ambabaxeen Garoonka Caalamiga Diyaaradaha Aden Cadde ee magaalladda Muqdisho.

- Advertisement -

Shaqaalahaasi waxay Transit ku yihiin Garoonka Caalamiga ee Jomo Kenyatta International Airport ee magaalladda Nairobi, waxaana la filayaa inay saacadaha soo socda dib ugu laabtaan dalkooda Hooyo ee Masar sida lagu shaaciyey Shabakadda albawabhnews.com

Dhinaca kale,  Dowladda Federalka Somalia weli kama hadlin Sii-daynta Shaqaalahaasi, inkastoo Afhayeenka Hay’addaha Ammaanka ee Dowladda Federalka Somalia, Mohamed Yussif Osman waxa uu shalay u  sheegay  Radio Dalsan inay Dowladaha Somalia iyo Masar ka wada hadleen Arrinta Shaqaalahaasi, lana sii dayn doono marka la dhamaystiro Baaritaanka socda.

Si kastaba ha ahaatee, Baarayaal Caalami ah ayaa  ayaa waxay dib u eegayaan Macluumaadka ku duuban  Sanduuqa Madow ee Diyaaradda Masar ee ku burburtay duleedka magaalladda Muqdisho, si ay u darsaan cilladaha keenay Burburka Diyaaradaasi oo nooceedu ahaa Airbus 300 oo ay lahayd Shirkadaha Diyaaradaha ee Tri Star ee dalka Masar.

Latest stories