HomeWararMadaxweynaha Sudan oo qaabilay Wiilkii Enjineerka Saacadaha ee lagu xiray Maraykanka

Madaxweynaha Sudan oo qaabilay Wiilkii Enjineerka Saacadaha ee lagu xiray Maraykanka

Date:

Related stories

National Communications Authority Participates in ITU Global Symposium for Regulators (GSR-26) in Ankara

The annual global forum brings together heads of regulatory authorities, policymakers, industry leaders, and digital stakeholders from around the world to exchange knowledge and discuss emerging regulatory trends shaping the future of digital transformation. This year's symposium is held under the theme "Navigating the Digital Frontier," focusing on regulatory pathways towards a resilient and inclusive digital future.

Somali Opposition Sets Conditions for Direct Talks with Government

Somalia’s main opposition coalition, the Somali Future Council, has...

Somalia, Saudi Pledge Stronger Counter-Terrorism Partnership

Somalia’s President Hassan Sheikh Mohamud met with Saudi Arabia’s...

Madaxweyne Omar Hassan Albashiir waxa uu dhawaan Qasriga Madaxtooyadda ee magaalladda Khartoum ku qaabilay  Ahmed Mohamed Al-hassan oo ah Wiilkii Ardayga ee lagu xiray Maraykanka, kadib, markii uu sameeyey Saacad.

Ardaygaas oo dhigan jirey Dugsiga Sare ee MacArthur High School oo ku yaalla Deegaanka Irving ee dalka Maraykanka  ayaa waxay Ciiddanka Ammaanka Maraykanka xireen, kadib, markii laga shakiyey Saacad uu farsameeyey, oo loo qaatay inuu Bam ahaa.

Wargeyska Sudan Tribune ayaa qoray in Kulanka Madaxweyne Albashiir iyo Ardaygaas ay goobjoog ka ahaayeen Hooyadiisa iyo Aabihiisa, Mohamed Alhassan Mohamed, kaasi oo labo jeer Xilka Madaxtinimadda kula tartamay Madaxwyne Albashiir.

Labada Hoggaamiye oo horey u ahaa Mucaarad ayaa waxay si farxad leh isugu qaabileen muddadii ay joogeen Qasriga Madaxtooyadda ee magaalladda Khartoum.

Aabe Mohamed Alhssan waxa uu sheegay inuu ku faraxsan yahay inuu Madaxweyne Albashiir si xushmad leh u qaabilo Wiilkiisa Ahmed.

Si kastaba ha ahaatee, Familka Wiilkaasi ayaa sheegay inay ka fekerayaan Dugsiga uu ku biiri doono Wiilkooda marka uu nasto, isla markaana ay soo gebagebeeyaan safarkooda.

1 2 3 4 5 SUDAN STUDENT sudan2

Waxaa Turjumay: Ustaad Nuradin Abokor Ahmed

Xigasho: Daily Mail.

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories