HomeWararMadaxweynaha Sudan oo qaabilay Wiilkii Enjineerka Saacadaha ee lagu xiray Maraykanka

Madaxweynaha Sudan oo qaabilay Wiilkii Enjineerka Saacadaha ee lagu xiray Maraykanka

Date:

Related stories

Soomaaliya oo Laga Dooday Mustaqbalka Garaadka Gacmeedka

Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda Soomaaliyeed oo Qabatay Kulan Dood-cilmiyeed...

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Madaxweyne Omar Hassan Albashiir waxa uu dhawaan Qasriga Madaxtooyadda ee magaalladda Khartoum ku qaabilay  Ahmed Mohamed Al-hassan oo ah Wiilkii Ardayga ee lagu xiray Maraykanka, kadib, markii uu sameeyey Saacad. Ardaygaas oo dhigan jirey Dugsiga Sare ee MacArthur High School oo ku yaalla Deegaanka Irving ee dalka Maraykanka  ayaa waxay Ciiddanka Ammaanka Maraykanka xireen, kadib, […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Madaxweyne Omar Hassan Albashiir waxa uu dhawaan Qasriga Madaxtooyadda ee magaalladda Khartoum ku qaabilay  Ahmed Mohamed Al-hassan oo ah Wiilkii Ardayga ee lagu xiray Maraykanka, kadib, markii uu sameeyey Saacad.

Ardaygaas oo dhigan jirey Dugsiga Sare ee MacArthur High School oo ku yaalla Deegaanka Irving ee dalka Maraykanka  ayaa waxay Ciiddanka Ammaanka Maraykanka xireen, kadib, markii laga shakiyey Saacad uu farsameeyey, oo loo qaatay inuu Bam ahaa.

- Advertisement -

Wargeyska Sudan Tribune ayaa qoray in Kulanka Madaxweyne Albashiir iyo Ardaygaas ay goobjoog ka ahaayeen Hooyadiisa iyo Aabihiisa, Mohamed Alhassan Mohamed, kaasi oo labo jeer Xilka Madaxtinimadda kula tartamay Madaxwyne Albashiir.

Labada Hoggaamiye oo horey u ahaa Mucaarad ayaa waxay si farxad leh isugu qaabileen muddadii ay joogeen Qasriga Madaxtooyadda ee magaalladda Khartoum.

Aabe Mohamed Alhssan waxa uu sheegay inuu ku faraxsan yahay inuu Madaxweyne Albashiir si xushmad leh u qaabilo Wiilkiisa Ahmed.

- Advertisement -

Si kastaba ha ahaatee, Familka Wiilkaasi ayaa sheegay inay ka fekerayaan Dugsiga uu ku biiri doono Wiilkooda marka uu nasto, isla markaana ay soo gebagebeeyaan safarkooda.

1 2 3 4 5 SUDAN STUDENT sudan2

Waxaa Turjumay: Ustaad Nuradin Abokor Ahmed

Xigasho: Daily Mail.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts