HomeWararEthiopia oo sheegtay inaan Faragelin Milliteri oo keliya looga guuleysan Karin Xarakadda...

Ethiopia oo sheegtay inaan Faragelin Milliteri oo keliya looga guuleysan Karin Xarakadda Alshabaab

Date:

Related stories

National Communications Authority Participates in ITU Global Symposium for Regulators (GSR-26) in Ankara

The annual global forum brings together heads of regulatory authorities, policymakers, industry leaders, and digital stakeholders from around the world to exchange knowledge and discuss emerging regulatory trends shaping the future of digital transformation. This year's symposium is held under the theme "Navigating the Digital Frontier," focusing on regulatory pathways towards a resilient and inclusive digital future.

Somali Opposition Sets Conditions for Direct Talks with Government

Somalia’s main opposition coalition, the Somali Future Council, has...

Somalia, Saudi Pledge Stronger Counter-Terrorism Partnership

Somalia’s President Hassan Sheikh Mohamud met with Saudi Arabia’s...

Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Dowladda Federalka Ethiopia, Dr. Tedros Adhanom Ghebreyesus ayaa ka shanqariyey inaan Alshabaab looga guuleysan Karin Gulufka Colaadeed ee lagu harqiyey.

Wasiirka ayaa hadalkaasi ka jeediyey Munaasabad lagu xusayey 40-guuradii ka soo wareegtay Xiriirka u dhexeeya Ethiopia iyo Ururka Midowga Europe oo shalay lagu qabtay magaalladda Addis Abeba.

Mar uu ka hadlayey La-dagaalanka Alshabaab, waxa uu Wasiirku tilmaamay kadib, markii ay Dowladda Somalia ka heleen Codsi ay Ciiddamo u direen gudaha Somalia, kuwaasi oo uu xusay inay Dagaalamayaasha Alshabaab kala wareegeen Deegaano badan oo ay ku xooganayeen, waa sida uu hadalka u yiri.

“Si kastaba ha ahaatee, Dagaalka Alshabaab kuma filna Faragelin Milliteri oo keliya” ayuu yiri Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Dowladda Ethiopia, Dr. Tedros Adhanom Ghebreyesus.

Wuxuuna hoosta ka xariiqay in loo baahan yahay in Taageero Samafal Aadminimo iyo in la sameeyo Hay’addo ka shaqeeya soo-celinta Deganaanshaha goobaha lagala wareego Xarakadda Alshabaab.

Dhinaca kale, Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Dowladda Federalka Ethiopia, Dr. Tedros Adhanom Ghebreyesus waxa kaloo uu Diplomaasiyiinta Midowga Europe u sheegay in loo baahan yahay in Taageero Dhaqaale iyo mid Loojistiko la siiyo Ciiddanka Dowladda Somalia, si ay kaalin uga qaataan La-dagaalanka Alshabaab iyo Soo-celinta Nabadda Somalia.

Dhinaca kale, Madaxa Wafdiga ka socday Ururka Midowga Europe, Ambassaor Walter Stevens ayaa sheegay inay Ethiopie Fure Muhiim u tahay Istaraatijiyadda Midowga Europe ee Arrimaha Afrika, gaar ahaan Soo-celinta Nabadda Somalia iyo Xakamaynta Qulqulka Qaxootiga.

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories