HomeWararDowladda Australia oo masaafurisay Haweeney Somali xaamilo ah

Dowladda Australia oo masaafurisay Haweeney Somali xaamilo ah

Date:

Related stories

Kenya disrupts Al-Shabaab attack plan, kills 11

Kenyan security forces killed at least 11 suspected Al-Shabaab...

President Mohamud off to Doha for Emir’s funeral

Somali President Hassan Sheikh Mohamud is heading to Qatar...

Iskaashi xooggan oo muhiim u ah xasilinta Soomaaliya

Safiirka Ingiriiska Charles King oo ka hadlay Aqoon-is-weydaarsiga 3S, isagoo sheegay in iskaashiga adag iyo hoggaaminta maxalliga ah ay muhiim u yihiin horumarka iyo xasilinta Soomaaliya.

Trump oo ku hanjabay inuu Iran “bur-buriyo” haddii la dilo

Trump oo ku hanjabay inuu Iran "bur-buriyo" haddii ay isku daydo dilkiisa, isagoo sheegay in 1,000 oo gantaal diyaar u yihiin. Xiisadda u dhexeysa Washington iyo Tehran ayaa sii kordheysa.

Markii lacagta caddaanka ah ay fashilantay, isku-xirka ayaa noqday lacag

Sida lacagta mobilada ah ay uga caawisay Soomaaliya inay...

Dowladda Australia ayaa la sheegay inay si qarsoodi ah dalkooda uga  masaafuriyeen Haweeney Somali oo magaceeda lagu soo koobay Abyan. Warbaahinta dalkaasi ayaa sheegay in Haweeneydaasi dib loogu celiyey Xarunta lagu hayo dadka Qaxootiga oo ku taalla Jesiiradda Nauru. Haweeneydaasi ayaa la sheegay in Diyaarad Khaas oo nooca Samafalka looga qaaday Garoonka Diyaaradaha ee  magaalladda […]

- Advertisement -

Dowladda Australia ayaa la sheegay inay si qarsoodi ah dalkooda uga  masaafuriyeen Haweeney Somali oo magaceeda lagu soo koobay Abyan.

Warbaahinta dalkaasi ayaa sheegay in Haweeneydaasi dib loogu celiyey Xarunta lagu hayo dadka Qaxootiga oo ku taalla Jesiiradda Nauru.

- Advertisement -

Haweeneydaasi ayaa la sheegay in Diyaarad Khaas oo nooca Samafalka looga qaaday Garoonka Diyaaradaha ee  magaalladda Sydney, iyadoo ilaa Axaddii lagu hayey  Xarunta lagu hayo Qaxootiga ee Villawood.

Haweeneydaasi ayaa u timid dalka Australia, kadib, markii ay codsatay in gacan laga siiyo sidii looga soo xaaqi lahaa uur ay qaaday bishii July ee sannadkan, kadib, markii lagu kufsdaday Xarunta Xarunta lagu hayo dadka Qaxootiga oo ku taalla Jesiiradda Nauru.

Garyaqaan George Newhouse oo u doodayey Haweeneydaasi ayaa sheegay in Abyan oo 23 jir si khasab ah lagu celiyey, iyadoo aan laga soo xaaqin uurka.

- Advertisement -

Garyaqaanka waxa uu ka codsaday Waaxda Socdaalka Australia inay faahfaahin ka bixiyaan sababaha loo masaafuriyey Abyan, looguna celiyo Jesiiradda Nauru oo horey loogu soo kufsaday.

Haweeneydaasi waxay horey si rasmi ah uga codsatay Ra’isul-wasaaraha dalka Australia, Malcolm Turnbull in loo oggolaado inay u soo safarto Dalweynaha Australia, si ay ula xiriirto Isbitaalladda.

Afhayeenka Isbahaysiga Qaxootige ee The Refugee Action Coalition, Ian Rintoul ayaa sheegay in Haweeneydaasi la masaafuriyey, xilli ay Garyaqaanadda diyaarinayey qorshe looga hortagayo in Haweeneydaasi dib loogu celiyo Jesiiradda Nauru.

Dhinaca kale, Wargeyska The West Australian ayaa qoray in Abyan  ka gaabsatay inay u tagto Dhakhaatiir ay la ballansanayd maalintii Khamiista ee la soo dhaafay, taasi oo loo qaatay inay ka laabatay qorshihii looga soo xaaqi lahaa Uurka.

© Radio Dalsan

Latest stories