HomeWararDowladda Federalka oo beenisay inay shaqaalihii Masaarida ku xiran yihiin Xabsi ay...

Dowladda Federalka oo beenisay inay shaqaalihii Masaarida ku xiran yihiin Xabsi ay QM ku leedahay Garoonka Muqdisho.

Date:

Related stories

Madaxweynaha FIFA oo dhamaadka sanadka Muqdisho ku imaanaya

Madaxweynaha FIFA oo dhamaadka sanadka Muqdisho ku imaanaya – ma waxay horumar ku noqon doontaa kubadda cagta Soomaaliya?

Fire Guts Shops at Mogadishu’s Bakara Market

A major fire tore through Mogadishu's Bakara Market on...

Maxkamad Mumbai oo 44 Soomaali ku xukuntay xabsi daa’in

Maxkamad gaar ah oo ku taal Mumbai ayaa 44 muwaadin Soomaali ah ku xukuntay xabsi daa'in kadib markii ay qireen dembiyada burcad-badeednimo. Ciidanka Badda Hindiya ayaa lagu ammaanay geesinimadooda.

Aabbe oo si kulul uga falceliyay wiilkiisa oo sigaar TikTok Live ku dhaxcabaya

Aabbe Mexico ah ayaa si kulul uga falceliyay wiilkiisa 13 jirka ah markii uu ku arkay isagoo sigaar cabaya TikTok Live. Muuqaalka ayaa dhaliyay dood ku saabsan doorka waalidiinta iyo baraha bulshada.

One Dead as Puntland Security Forces Clash in Bosaso

At least one Puntland Security Force soldier was killed...

Afhayeenka Hay’addaha Ammaanka ee Dowladda Federalka, Md. Maxamed Yuusuf Cismaan ayaa si kulul u beeniyey war lagu qoray Shabakadda Wararka ee albawabhnews.com oo lagu sheegay in Shaqaalihii Masaarida ku xiran yihiin Xero ay QM ku leeyihiin Garoonka Caalamiga ee Diyaaradaha ee Aden Cadde ee magaalladda Muqdisho. Afhayeenka oo Wareysi Khaas ah siiyey Idaacadda Radio Dalsan […]

- Advertisement -

Afhayeenka Hay’addaha Ammaanka ee Dowladda Federalka, Md. Maxamed Yuusuf Cismaan ayaa si kulul u beeniyey war lagu qoray Shabakadda Wararka ee albawabhnews.com oo lagu sheegay in Shaqaalihii Masaarida ku xiran yihiin Xero ay QM ku leeyihiin Garoonka Caalamiga ee Diyaaradaha ee Aden Cadde ee magaalladda Muqdisho.

Afhayeenka oo Wareysi Khaas ah siiyey Idaacadda Radio Dalsan ayaa sheegay inuusan sal iyo baar lahayn Wararka lagu sheegay in Shaqaalihii la socday Diyaaraddaas ku jiraan gacanta QM iyo inay QM xabsi ku leeyihiin Garoonka Diyaaradaha Aden Cadde ee magaalladda Muqdisho.

- Advertisement -

“QM gacanta kuma hayaan Garoonka Diyaaradaha Muqdisho, mana aha Garoonkaasi meel lagu ciqaabo dadka” ayuu yiri Afhayeenka Hay’addaha Ammaanka ee Dowladda Federalka oo intaasi ku daray inay Dowladda Somalia xor tahay, kana madax bannaan QM.

Afhayeenka waxa uu intaasi ku daray inay Lixda Shaqaalaha Masaarida inaysan u xirnayn QM, isla markaana  la sii dayn doono marka la soo gebagebeeyo Baaritaanadda haatan socda.

Afhayeenka Hay’addaha Ammaanka ee Dowladda Federalka, Md. Maxamed Yuusuf Cismaan waxa kaloo uu ku nuuxnuuxsaday inay Dowladaha Somalia iyo Masar ka wada hadleen Dhacdadaasi, isla markaana ay is-faham ka gaareen shilkaasi.

- Advertisement -

Dhinaca kale, Afhayeenka Hay’addaha Ammaanka ee Dowladda Federalka, Md. Maxamed Yuusuf Cismaan waxa uu kulul u naqdiyey Wargeyska albawabhnews.com ee ka soo baxa dalka Masar, kuna tilmaamay Saxaafad Seef-la-bood ah oo ka been sheegtay Xaqiiqda dhabta ee ay ku sugan Lixda Shaqaale ee la socday Diyaaraddii Xamuulka.

Diyaaradda burburtay oo ay leedahay Shirkadda Tri-Star waxa uu burbur xooggan ka soo gaaray isku-daygii ay ku degtay meel 20-Km u jirta magaalladda Muqdisho, kadib, markii ay dhowr jeer ku fashilantay inay ku degto Garoonka Caalamiga ee Muqdisho. Diyaaradaasi oo nooceedu ahaa Air bus 300 waxay Shixnad Xamuul oo loogu talagalay Hawlgalka AMISOM ka soo qaaday Garoonka Diyaaradaha ee magaalladda Ostend ee dalka Belgium.

Latest stories