HomeWararXukuumada Soomaaliya oo Tacsi u Dirtay Madaxda iyo Shacabka Turkiga

Xukuumada Soomaaliya oo Tacsi u Dirtay Madaxda iyo Shacabka Turkiga

Date:

Related stories

National Communications Authority Participates in ITU Global Symposium for Regulators (GSR-26) in Ankara

The annual global forum brings together heads of regulatory authorities, policymakers, industry leaders, and digital stakeholders from around the world to exchange knowledge and discuss emerging regulatory trends shaping the future of digital transformation. This year's symposium is held under the theme "Navigating the Digital Frontier," focusing on regulatory pathways towards a resilient and inclusive digital future.

Somali Opposition Sets Conditions for Direct Talks with Government

Somalia’s main opposition coalition, the Somali Future Council, has...

Somalia, Saudi Pledge Stronger Counter-Terrorism Partnership

Somalia’s President Hassan Sheikh Mohamud met with Saudi Arabia’s...

Qarax argagaxiso ayaa ka dhacay magaalada Ankara kaas oo galaaftay dasaasiin dad ah Ra’iisulwasaaraha dowladda Federaalka ah  Mudane Cumar C/rashiid waxaa uu tacsi tiiraanyo leh u direy madaxweynaha, dowladda iyo gud ahaan dadka dalka Turkiga.

“Anigoo ka wakiil ah dowladda Federaalka Soomaliya waxaan la wadaagayaa dhibaatada ku dhacday dadka Turkiga, dowladda iyo qaranka Turkiga  oo ku waayay nafta dad badan oo aan waxba galabsan ka dib labo qarax oo shalay ka dhacay magaalada Caasimadda u ah Turkiga ee Ankara. Waxaan u rajaynayaa in kuwo ku dhaawacmay caafimaad deg deg ah ay helaan. Iyo in kuwii falkaasi ku dhintay eheladooda lala qeybsado murugada heysata.” Ayuu yiri Ra’iisulwasaare Cumar.

Ra’iisulwasaaruhu wuxuu kalsooni buuxda uu ku qabaa kartida madaxweyne Recep Tayyib Erdogan, Ra’’iisulwasaare Ahmed Davutoglu, dowladda iyo guud ahaan qaranka Turkiga in ay u istaagi doonaan sidii looga hortagi lahaa dhibaatadan oo kale in aanay markale u soo laabanin isla markaana marna ka weecanin wadada horumarka iyo dimograadiyada.

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxaa ay balan qaadaysaa in taageeradooda la garab taagan yihiin dadka iyo dowladda Turkiga gaar ahaan dhibaatadan hadda ku dhacday ayaa lagu soo gebagabeeyay war saxaafadeedka ka soo baxay xafiiska Ra’iisulwasaaraha.

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories