HomeWararSomaliya oo ka mid noqotay 26-ka wadan ee Gabdhaha loogu qasbo guurka,...

Somaliya oo ka mid noqotay 26-ka wadan ee Gabdhaha loogu qasbo guurka, ka hor inta aysan Iskuulada dhameysan

Date:

Related stories

Soomaaliya iyo Kenya oo Suuq Cusub Furaya

Soomaaliya iyo Kenya oo xoojinaya ganacsiga, maalgashiga iyo isku-xirka dhaqaale.

Daniel iyo Labada Hooyo: Xaqiiqada Sheekada

Daniel iyo labada hooyo: maxaa run ah, maxaase aan la xaqiijin?

Xasan Sheekh oo Belgrade Fariin Adag Ka Jeediyay

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Belgrade uga qaybgalaya shir lagu xusayo 65-guuradii Dhaqdhaqaaqa Dalalka Aan Isbahaysiga Ahayn,

Koonfur Galbeed Oo Ansixisay Dib-u-eegista Miisaaniyadda 2026

Golaha Wakiillada Koonfur Galbeed ayaa ansixiyey dib-u-eegista miisaaniyadda 2026, kadib dood iyo falanqeyn dheer oo ku saabsan dakhliga, deeqaha iyo kharashaadka dowladda.

Maxay McDonald’s Iyo KFC Uga Cabsadeen Soomaaliya?

Inkasta oo Muqdisho ay ku badan yihiin burgerro, shawarma iyo digaag la shiilay, shirkadaha waaweyn sida McDonald’s, KFC iyo Starbucks weli si rasmi ah ugama howlgalaan Soomaaliya.

Warbixin daraasad ah oo ay soo saartay hey’adda Global Charity, ayaa lagu sheegay in 26 wadan oo Adduunka ah ay ku sameeyeen daraasad ku aadan Gabdhaha yar-yar ee lagu qasbo Guurka ka hor inta aysan gaarin da’da 18 jir-ka, oo qaarkoox xitaa aaney dhameysan Iskuulada Secondary-ga. Dalka Niger, 76 boqolkiiba gabdhaha waxaa la guursadaan iyagoo […]

- Advertisement -

Warbixin daraasad ah oo ay soo saartay hey’adda Global Charity, ayaa lagu sheegay in 26 wadan oo Adduunka ah ay ku sameeyeen daraasad ku aadan Gabdhaha yar-yar ee lagu qasbo Guurka ka hor inta aysan gaarin da’da 18 jir-ka, oo qaarkoox xitaa aaney dhameysan Iskuulada Secondary-ga.

Dalka Niger, 76 boqolkiiba gabdhaha waxaa la guursadaan iyagoo aaneey gaarin 18-jir, waxaa sidoo kaloe 10 boqolkiiba ay ku biiraan oo keliya Schoolada Dugsiga Sare.

- Advertisement -

Sidoo kale waxaa wadamadaasi soo raaca Chad, Central African Republic, South Sudan and Somalia.

“Waqti kasta gabar da’deeda ay ka hooseyso 18-jir ayaa lagu qasbaa Guur, ama waxaa la joojiyaa iskuuladda, waxaa ay weyneysaa Gabadha fursado ay ku hormarin karto waxbarashadeeda iyo Nolosheeda” ayuu yiri Helen Pankhurst oo ka tirsan kooxdaan CARE .

Guurka caruurta waxa uu xayiraad ka saara gabdhaha dhinaca waxbarashada iyo fursadaha, waxa sidoo kale uu ka dhigaa kuwo qaratar ugala dhaawacyo ama dhimasha, haddii ay noqdaan kuwo Carrur uurkooda gala. Waxaa kale oo ay u nugul yihiin iisku dhacyada ka dhexdhaca gudaha qoyska.

- Advertisement -

Maalin kasta Adduunka qiyaastii 39,000 oo gabdho ah, ayaa lagu qasbaa in ay Guursadaan, sida hey’adda CARE ay sheegtay, sidoo kale Qaramada Midoobe, ayaa dhankeeda laga soo xigtay in 62 Million oo gabdhood ay yihiin kuwo aan waxbaran, halka Nus kamid ah ay yihiin kuwo da’dooda ay hooseyso.

Bishii June, Qaramada Midoobe, hey’addeeda Xuquuda Aadanaha, ayaa sheegtay in ay meelmarisay Qaraar loogu yeeray “ Dhameynta Carrurnimada” ee ku qasbida Guurka.

Dhinaca kale waxaa la qorsheynayaa in 2030 in ay noqoto xiliga kama dambeysta ah ee la joojiyo Carruurta gabdhaha ee la guursado.

Marka aragtida reergalbeedka laga soo tago, oo la fiiriyo Islaamka, Nabigeena Muxamad Nabd-galyo iyo Naxariisk korkiisa ha ahaatee, waxaa uu guursaday Caacish iyadoo ah 9-jir, taasoona ah wadiiqada la raaco, waxaan guurka Gabdhaha ay diinyeena Sharafta leh ay nafartay in gabadha la guursan karo marka ay gaarto 15-jir.

Latest stories