HomeWararHaweeney Somali la kufsaday oo Dowladda Australia ka codsatay in ilmaha laga...

Haweeney Somali la kufsaday oo Dowladda Australia ka codsatay in ilmaha laga soo xaaqo.

Date:

Related stories

Iskaashi xooggan oo muhiim u ah xasilinta Soomaaliya

Safiirka Ingiriiska Charles King oo ka hadlay Aqoon-is-weydaarsiga 3S, isagoo sheegay in iskaashiga adag iyo hoggaaminta maxalliga ah ay muhiim u yihiin horumarka iyo xasilinta Soomaaliya.

Trump oo ku hanjabay inuu Iran “bur-buriyo” haddii la dilo

Trump oo ku hanjabay inuu Iran "bur-buriyo" haddii ay isku daydo dilkiisa, isagoo sheegay in 1,000 oo gantaal diyaar u yihiin. Xiisadda u dhexeysa Washington iyo Tehran ayaa sii kordheysa.

Markii lacagta caddaanka ah ay fashilantay, isku-xirka ayaa noqday lacag

Sida lacagta mobilada ah ay uga caawisay Soomaaliya inay...

When Cash Failed, Connection Became Currency

When cash failed in Somalia, connection became currency. How mobile money helped rebuild trust, access, and resilience and why EVC Plus became more than a payment method. Read the full story.

Journalists union raps Puntland authorities over arrest of reporter

The National Union of Somali Journalists (NUSOJ) has mounted...

Haweeneydaasi oo 23 jir ah ayaa uur qaaday, kadib, markii lagu kufsaday Xarun lagu hayo Muhaajiriinta oo ku taalla Jesiiradda Nauru. Wargeyska National Post ee ka soo baxa dalka Australia ayaa qoray in Haweeneydaasi ka codsatay Ra’isul-wasaaraha Australia, Maclolm Turnbull inuu u oggolaado inay soo gasho dalka Australia, si ay isaga soo xaaqdo  ilmaha aan […]

- Advertisement -
Haweeneydaasi oo 23 jir ah ayaa uur qaaday, kadib, markii lagu kufsaday Xarun lagu hayo Muhaajiriinta oo ku taalla Jesiiradda Nauru.
Wargeyska National Post ee ka soo baxa dalka Australia ayaa qoray in Haweeneydaasi ka codsatay Ra’isul-wasaaraha Australia, Maclolm Turnbull inuu u oggolaado inay soo gasho dalka Australia, si ay isaga soo xaaqdo  ilmaha aan aabaha lahayn ee ay uurkiisa leedahay.
Jesiiradda Nauru lagama oggolo
Haweenaydaasi ayaa la sheegay inay aad u moraal dilaacsan tahay, isla markaana aysan qolkeeda ka soo bixin tan iyo markii ay rag ka tirsan kuwa ku jira XeraddaQaxootoga ee Jesiiradda Nauru ay si saf-mareen ah u wada kufsadeen.
 Haweeneyda oo la sheegay inay leedahay uur 14 isbuuc ah ayaa la sheegay inaysan si joogto ah wax u cunin.
Garyaqaanadda matalaya Haweeneydaasi ayaa sheegay inay Dowladda Australia ku fashilantay inay aqbalaan Codsigeeda, si ay Haweeneydaasi Kaalmo Caafimaad uga hesho gudaha dalka Australia.
Geothe Newhouse oo Wakiil u ah Haweeneyda Soomaalida ayaa ka dayriyey Xaalladeeda Caafimaad, wuxuuna sheegay inay jiran tahay, isla markaana tahli kari weyday inay Telefoonka ama Kombiyuutrka kala hadasho Garyaqaanadeeda.
Dhinaca kale, Peter Dutton Afhayeenadda Wasiirka Socdaalka ee dalka Australia, ayaa ka gaabsatay inay ka hadasho Kiiska Haweeneyda Soomaalida ee lagu kufsaday Xeradda lagu hayo Qaxootiga Magangelyo-doonka ee u soo tahriiba dalka Australia.
Si kastaba ha ahaatee,Waddanaka Australia waxa uu ka mid yahay dalalka ugu horreeya ee ay dadka Qaxootiga Magangelyo-doonka ee Doonyaha ku soo gaara Jesiiradaha Nauru amaPapa New Guinea ay isaga soo ridaan ilmaha marka la kufsado ama lagu inkiro uurka.
Wasiirka Garsoorka ee Jesiiradda Nauru, David Adeang ayaa sheegay inay Nauru ka ammaan fiican tahay dalweynaha Australia.

 

Latest stories