HomeWarar: Warsaxaafadeed: Shirka Golaha Wasiirada oo lagu ansixiyay Siyaasada Naafada Qaranka

: Warsaxaafadeed: Shirka Golaha Wasiirada oo lagu ansixiyay Siyaasada Naafada Qaranka

Date:

Related stories

JSP oo Cali Guudlaawe U Doortay Musharraxa Hirshabeelle

Cali Guudlaawe ayaa si rasmi ah loogu aqoonsaday musharraxa Xisbiga Caddaaladda iyo Wadajirka (JSP) ee doorashada madaxtinimada Hirshabeelle, kaddib go’aan ay xubnaha fulinta xisbiga ku gaareen Muqdisho.

Maaliyadda iyo Arrimaha Dibadda oo Ku Guuleystay Qiimeynta Waxqabadka

Wasaaradaha Maaliyadda iyo Arrimaha Dibadda oo kaalmaha ugu sarreeya ka galay qiimeynta waxqabadka Xukuumadda, laguna guddoonsiiyay abaalmarinno.

Ruushka oo Tareen Rakaab Ku Weeraray Xadka Poland

Boris Johnson oo cambaareeyay weerar drone oo Ruushka lagu eedeeyay inuu ku qaaday tareen rakaab oo ku dhow xadka Poland.

Golaha Wasiirada ee Xukuumadda Federaalka ee Soomaaliya ayaa maanta yeeshay kulankoodii joogtada ahaa, waxaana kulankan shir guddoominayay Ra’iisul Wasaare kuxigeenka Mudane Maxamed Cumar Carteh, iyada oo looga hadlay qodobo ay ka mid ahaayeen Siyaasada Dowladda ee Naafada Qaranka, qorshe ku aadan horumarinta dalxiiska oo ay soo gudbisay Wasaaradda Warfaafinta iyo Dalxiiska iyo qodobo kale. Kulanka […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Golaha Wasiirada ee Xukuumadda Federaalka ee Soomaaliya ayaa maanta yeeshay kulankoodii joogtada ahaa, waxaana kulankan shir guddoominayay Ra’iisul Wasaare kuxigeenka Mudane Maxamed Cumar Carteh, iyada oo looga hadlay qodobo ay ka mid ahaayeen Siyaasada Dowladda ee Naafada Qaranka, qorshe ku aadan horumarinta dalxiiska oo ay soo gudbisay Wasaaradda Warfaafinta iyo Dalxiiska iyo qodobo kale.

Kulanka ayaa ugu horeyntii waxaa looga dooday warbixin la xiriirta qaab siyaasadeedka Naafada Qaranka, waxaana sharaxay Wasiirka Shaqada iyo Shaqaalaha C/wali Ibraahim Muudey, isaga oo xusay in qorshahan ay ku howlaneed Wasaaraddu in muddo ah, ayna la kaashadeen dad khubaro ah, si loo helo siyaasad dhameystiran oo ku aadan naafada Qaranka.

- Advertisement -

“Qorshahan waxaan ugu talo galnay inaan ku illaalino xaquuqda dadka Naafada ah, isla markaana loogu helo daryeelkooda, waana qorshe ay Wasaaraddu si gaar ah isaga xil saartay diyaarintiisa” ayuu yiri Wasiirka Shaqada oo ka hadlayay shirka golaha Wasiirada.

Golaha Wasiirada ayaa cod buuxa ku meel mariyay qorshahan, waxaana ra’iisul wasaare kuxigeenka Mudane Maxamed Cumar Carteh oo shirka guddoominayay uu ku adkeeyey mas’uuliyiinta Wasaaradda Shaqada inay ka shaqeeyaan sidii dadka Naafada ah ay u heli lahaayeen xaquuq dhameystiran oo la mid ah mida dadka caadiga ah, sidoo kalena ay dadka Naafada ah helaan fursadaha shaqo ee hay’addaha dowladda iyo weliba shirkaddaha sida gaarka ah loo leeyahay.

Dhanka kale, Wasiirka Warfaafinta Maxamed Cabdi Xayir ayaa golaha Wasiirada sharaxaad dheer ka siiyay maalinta Dalxiiska caalamka oo ku beegneyd September 27.2015, isaga oo xusay in loo baahan yahay in la horumariyo siyaasada dalxiiska ee dowladda, maadaama ay dowladdaha caalamku ku xiran yihiin dhaqaalahooda dalxiiska.

- Advertisement -

—Dhammaad—–

Xafiiska Warbaahinta iyo Xiriirka
Muqdisho, Somalia
media.opm@gmail.com
Twitter: @SomaliPM

IMG 6673
IMG 6678
IMG 6691
IMG 6698
IMG 6699

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts