HomeWararDEG DEG: Guddoonka FIFA oo shaqo joojin lagu Sameeyay

DEG DEG: Guddoonka FIFA oo shaqo joojin lagu Sameeyay

Date:

Related stories

Soomaaliya iyo Kenya oo Suuq Cusub Furaya

Soomaaliya iyo Kenya oo xoojinaya ganacsiga, maalgashiga iyo isku-xirka dhaqaale.

Daniel iyo Labada Hooyo: Xaqiiqada Sheekada

Daniel iyo labada hooyo: maxaa run ah, maxaase aan la xaqiijin?

Xasan Sheekh oo Belgrade Fariin Adag Ka Jeediyay

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Belgrade uga qaybgalaya shir lagu xusayo 65-guuradii Dhaqdhaqaaqa Dalalka Aan Isbahaysiga Ahayn,

Koonfur Galbeed Oo Ansixisay Dib-u-eegista Miisaaniyadda 2026

Golaha Wakiillada Koonfur Galbeed ayaa ansixiyey dib-u-eegista miisaaniyadda 2026, kadib dood iyo falanqeyn dheer oo ku saabsan dakhliga, deeqaha iyo kharashaadka dowladda.

Maxay McDonald’s Iyo KFC Uga Cabsadeen Soomaaliya?

Inkasta oo Muqdisho ay ku badan yihiin burgerro, shawarma iyo digaag la shiilay, shirkadaha waaweyn sida McDonald’s, KFC iyo Starbucks weli si rasmi ah ugama howlgalaan Soomaaliya.

Guddiga Anshaxa Ee Ururka kubada Cagta FIFA ayaa goor dhaw Shaqo joojin ku meel gaar ah ku sameeyay Madaxa FIFA Sepp Blatter oo Musuq baahsan lagu soo eedeyay. Guddiga ayaa shaqada ka hakiyay muddo 90 Cisho ah Sepp Blatter oo imminka ay heysato fadeexad weyn oo musuq maasuq la xiriirta. La Taliye iyo saaxib ku […]

- Advertisement -

Guddiga Anshaxa Ee Ururka kubada Cagta FIFA ayaa goor dhaw Shaqo joojin ku meel gaar ah ku sameeyay Madaxa FIFA Sepp Blatter oo Musuq baahsan lagu soo eedeyay.

Guddiga ayaa shaqada ka hakiyay muddo 90 Cisho ah Sepp Blatter oo imminka ay heysato fadeexad weyn oo musuq maasuq la xiriirta.

- Advertisement -

La Taliye iyo saaxib ku dhaw Sepp Blatter ayaa shaqo joojinta lagu sameeyay waxa ay u xaqiijiyen Telefishinka SKY Sports oo warbixinta baahiyay.

Xubno badan ayaa imminka u cararaya Doorashada Xiriirka FIFA Ee kubada Cagta oo dhaci doonta bisha Febraayo Ee Sanadka Dambe.

Dadka ilaa iyo imminka xaqiijiyay iney Xilkas u taagan yihiin waxa kamid Madaxa Xiriirka UEFA Platini,Amiir Cali oo hore ula tartamay Sepp Blatter,Musa Bility oo ah Gudoomiyaha Xiriirka Kubada Cagta Dalka Liberia iyo Gudoomiye ku xigeenkii hore Ee FIFA Chung Mong-joon.

- Advertisement -

W/Q Xuseen Maxamed

 

Latest stories