HomeWararMadaxweynaha oo warqadaha aqoonsiga ka guddoomay danjiraha cusub ee Boqortooyada Denmark “Sawirro”

Madaxweynaha oo warqadaha aqoonsiga ka guddoomay danjiraha cusub ee Boqortooyada Denmark “Sawirro”

Date:

Related stories

Deni Faces Criticism Over Somaliland Secession Push

Somalia’s Interior Minister Ali Yusuf Ali (Xoosh) on Tuesday...

Somalia nears completion of new Danab base amid anti-Al-Shabaab push

Somalia’s military says a new base for the elite...

Dowladda Federaalka oo Farriin Adag ka Dirtay Midnimada Soomaaliya

Dowladda Federaalka oo Farriin Adag ka Dirtay Midnimada Soomaaliya Muqdisho...

Bayaan ka Soo Baxay Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Bayaan ka Soo Baxay Dowladda Federaalka Soomaaliya. Muqdisho | 18...

Cabinet clears reform agenda ahead of planned elections

Somalia’s cabinet has endorsed a new roadmap to implement...

Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka ee Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta xarunta madaxtooyada ee magaalada Muqdisho warqadihii aqoonsiga kaga guddoomay Danjiraha cusub ee Boqortooyada Denmark uga wakiilka ah Soomaaliya Ms. Mette Knudsen.

Madaxweynaha ayaa danjiraha uga waramey horumarka ay Soomaaliya ku tillaabsatey dhinacyada amniga, siyaasadda iyo barnaamijyada Hiigsiga 2016, iyo doorashooyinka la filayo inay dalka ka dhacaan sannadka soo socda.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sidoo kale Boqortooyada Denmark uga mahadceliyey doorka ay ka qaadaneyso horumarinta iyo dib u dhiska Soomaaliya.

Danjire Knudsen oo iyana halkaasi hadal ka jeedisay ayaa sheegtay in Denmark ay sii wadi doonto taageerada ay siiso Soomaaliya, iyadoo dhanka kalena soo dhoweysey horumarka dhinacyada kala duwan ee ay sameysey Dowladda Federaalka ee Soomaaliya.

Munaasabadda waxaa goobjoog ka ahaa Wasiirka Arrimaha Dibedda Mudane Cabdisalaam Hadliye Cumar iyo La Taliyaha Madaxweynaha Dr Aweys Xaaji.

— DHAMMAAD—

12 13 14 15

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories