HomeWararDowlada Mareykanka oo uga digtay Muwaadiniinteeda iney u safran Soomaaliya

Dowlada Mareykanka oo uga digtay Muwaadiniinteeda iney u safran Soomaaliya

Date:

Related stories

Kenya disrupts Al-Shabaab attack plan, kills 11

Kenyan security forces killed at least 11 suspected Al-Shabaab...

President Mohamud off to Doha for Emir’s funeral

Somali President Hassan Sheikh Mohamud is heading to Qatar...

Iskaashi xooggan oo muhiim u ah xasilinta Soomaaliya

Safiirka Ingiriiska Charles King oo ka hadlay Aqoon-is-weydaarsiga 3S, isagoo sheegay in iskaashiga adag iyo hoggaaminta maxalliga ah ay muhiim u yihiin horumarka iyo xasilinta Soomaaliya.

Trump oo ku hanjabay inuu Iran “bur-buriyo” haddii la dilo

Trump oo ku hanjabay inuu Iran "bur-buriyo" haddii ay isku daydo dilkiisa, isagoo sheegay in 1,000 oo gantaal diyaar u yihiin. Xiisadda u dhexeysa Washington iyo Tehran ayaa sii kordheysa.

Markii lacagta caddaanka ah ay fashilantay, isku-xirka ayaa noqday lacag

Sida lacagta mobilada ah ay uga caawisay Soomaaliya inay...

Dowladda Mareykanka ayaa uga digtay muwaadiniinteeda inay u safraan Soomaaliya, maadaama weli amnigu yahay mid khatar ah, Mareykankuna uusan safaarad ku lahayn. Waaxda arrimaha dibadda Mareykanka ayaa u sheegtay dadkeeda, haddii ay Soomaaliya tagaan inaysan heli karin caawinaaddii ay u baahnaayeen marka ay dhibaato la kulmaan, maadaama aanay jirin safaarad uu Mareykanku ku leeyahay Soomaaliya […]

- Advertisement -

Dowladda Mareykanka ayaa uga digtay muwaadiniinteeda inay u safraan Soomaaliya, maadaama weli amnigu yahay mid khatar ah, Mareykankuna uusan safaarad ku lahayn.

Waaxda arrimaha dibadda Mareykanka ayaa u sheegtay dadkeeda, haddii ay Soomaaliya tagaan inaysan heli karin caawinaaddii ay u baahnaayeen marka ay dhibaato la kulmaan, maadaama aanay jirin safaarad uu Mareykanku ku leeyahay Soomaaliya oo dadkaasi kala talisa dhinaca safarrada.

- Advertisement -

Digniintan ayaa lagu sheegay in weli xaaladda amniga Soomaaliya uusan ahayn mid xasillan maadama ay weli weerarro soo qaadayaan ururrada argagixisada ayna damacsan yihiin in ay afduubaan ama ay dilaan dadka ajnabiga ah ee taga Soomaaliya, taasoo ay tilmaameen inay halis toos ah ku tahay muwaadiniinta Mareykanka.

Dhanka kale, waaxda arrimaha dibadda Marekanka ayaa ku boorisay  maraakiibta caalamiga ah in aysan ku safrin biyaha Soomaaliya, iyadoo aanay la socon maraakiibta dagaalka ee caalamiga ah ee u jooga biyaha Soomaaliya si ay uga hor-tagaan halista burcad badeedda.

Mareykanka ayaa sidoo kale sanadkii hore ee 2014-kii digniin tan la mid ah ka soo saaray amniga dalka Soomaaliya ugana digay muwaadiniintiisa in ay ku safraan Soomaaliya.

- Advertisement -

Xigasho:VOA

Latest stories