HomeWararMadaxweynaha oo soo dhoweeyay baaqa Djibouti ee martigelinta iyo qabashada shir madaxeed...

Madaxweynaha oo soo dhoweeyay baaqa Djibouti ee martigelinta iyo qabashada shir madaxeed caalami ah

Date:

Related stories

Deni Faces Criticism Over Somaliland Secession Push

Somalia’s Interior Minister Ali Yusuf Ali (Xoosh) on Tuesday...

Somalia nears completion of new Danab base amid anti-Al-Shabaab push

Somalia’s military says a new base for the elite...

Dowladda Federaalka oo Farriin Adag ka Dirtay Midnimada Soomaaliya

Dowladda Federaalka oo Farriin Adag ka Dirtay Midnimada Soomaaliya Muqdisho...

Bayaan ka Soo Baxay Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Bayaan ka Soo Baxay Dowladda Federaalka Soomaaliya. Muqdisho | 18...

Cabinet clears reform agenda ahead of planned elections

Somalia’s cabinet has endorsed a new roadmap to implement...

Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka ee Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa soo dhoweeyay talo soo jeedinta Madaxweynaha Djibouti, Mudane Ismaaciil Cumar Geelle, ee martigelinta shir madaxeed gaar ah oo dalalka ciidammada ay ka joogaan Soomaaliya, kana tirsan hawlgalka AMISOM ay isugu yimaadaan magaalada Djibouti.

Madaxweynaha ayaa ka hadley kulan gaar ah oo madaxda waddamada ay ciidammada ka joogaan Soomaaliya, ku yeesheen magaalada New York, halkaas oo ay ku falanqeeyeen qaabka ugu wanaagsan ee la isugu dubbaridi karo hawlgalada milatariga iyo xasilinta ee ay wadajirka u fulinayaan Ciidammada Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo kuwa Midowga Afrika (AMISOM).

“Waxaan walaalaheena Afrika uga mahad celineynaa dadaalka ay naftooda inoogu hureen, iyagoo gacan ka geysanayaa qorshaha nabad raadinta ee dowladda. Aad baan ugu ammaanayaa dadaalkooda geesinimada leh. Waan soo dhoweynayaa shir madaxeedka uu soo jeediyay walaalkey Ismaaciil Cumar Geelle, si aan horey ugu sii wadno wadatashiga aan halkan ka bilowney ee lagu tayeynayo hawlaha AMISOM, isku dubbaridka wadashaqeynta ay la leeyihiin Ciidammada Xoogga Dalka Soomaaliyeed, iyo in la bilaabo diyaar garowga ka bixintaanka AMISOM ee Soomaaliya, si ciidammo Soomaaliya ay leedahay ay hawsha ula wareegaan’’, ayuu yiri Madaxweynaha.

Waxaa uu intaa ku darey in muhiim ay tahay in gacan laga geysto dhismaha ciidammada Soomaaliya.

“Waa inaan xaqiijinaa dhismaha ciidan Soomaaliyeed oo si tayo leh u shaqeynaya, baahidooda si wanaagsan loo daboolo, taageersanna rabitaanka nabadda ee shacabka Soomaaliyeed, kuwaas oo gacan ka geysan doona nabadda iyo xasiloonida Geeska iyo Bariga Afrika.Wadashaqeynta iyo talooyinka waddamada ciidanka noogu deeqay waa u muhiim qorshahan aan leenahay. Waxaan rajeynayaa in taageeradiina ay qeyb ka noqon doono Soomaaliyada cusub ee aan dhiseyno oo mabda’a uu ku shaqeynayo lagu saleynayo nabad iyo xasilooni’’, ayuu yiri Madaxweynaha.

Madaxweynaha Djibouti Ismaaciil Cumar Geelle iyo mas’uuliyiinta kale ee ka hadashey shirkan ayaa ku booriyey beesha caalamka inay taageeraan dhismaha ciidan qaran oo tayeysan oo Soomaaliya ay yeelato, si ay gacan uga geystaan amniga gobolka iyo kan caalamka.

Kulan madaxeedka la soo jeediyay ee waddamada ciidammada ay ka joogaan Soomaaliya ayaa lagu wadaa inuu dhammaadka bisha October ka dhaco magaalada Djibouti.

— DHAMMAAD—

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories