HomeWararMuwaadin Soomaali ah oo soo bandhigay dood sharci ah oo ka dhan...

Muwaadin Soomaali ah oo soo bandhigay dood sharci ah oo ka dhan ah Diyaradaha Droneka US iyo Germay

Date:

Related stories

President Hassan Sheikh Travels to Djibouti for President Guelleh’s Inauguration

Somali President Hassan Sheikh Mohamud arrived in Djibouti on...

Somalia Faces 40% Drop in Imports and Rising Inflation, Cabinet Responds

Somalia’s federal cabinet today approved new security regulations and...

Soomaaliya iyo Burkina Faso oo iska kaashanaya amniga

Fartaag oo Burkina Faso kula wadatay argagixisada Ouagadougou, – Wasiirka Amniga...

Somalia’s Office of Attorney General Presses Charges on Saadiya Bajaj

The Office of the Attorney General of Somalia announced...

Deni oo tababar hubka culus u furay dagaalka Argagixisada

Puntland: Madaxweyne Deni oo tababar hubka culus iyo hoggaaminta u furay duufacdii 6-aad ee PMPF. “Waxaan kalsooni qabaa in ay difaaci doonaan dadka.” Akhri maqaalka

Muwaadin Soomaali ah ayaa soo bandhigay dambi ka dhan ah dowladaha Maraykanka iyo Germany, gaar ahaan doorkii ay ku lahaayeen duqeyn uu ku geeryooday Aabihii, duqeyntaasi oo ay geysteen diyaaradaha bishii February ee sanadkii 2012.

Muwaadinkaan soomaaliga ah, ayaa ku andacooday in Aabihii uu ahaa nin aan waxba galabsan, waxaana saameeyay duqeynta diyaaradahaasi ay ka fuliyeen koonfurta soomaaliya.

” Ninka waxaa loogu yeeray Maxkamada si warqadihiisa Documents-ka loo eego, waxaana uu sheegay in Aaabihii uu ahaa geel-jire, waxaana suqeyn ba’an u geytay diyaaradaha Dronka dowladaha Jarmalka iyo Mareykanka, waxaana uu sheegay in duqeyntaasi ay dhacay bishii February ee sanadkii 2012.

Sida laga soo xigtay wargeyska the Guardian iyadoo ugaarsi lagu hayo Maxamed Sakr, oo ahaa muwaadin hore oo heysta dhalashada dalka Ingiriiska, ayaa loogu shakiyay in uu ku biiray Xarakada Al Shabab, soo saldhigoodu yahay soomaaliya, waxaana Maxamed Sakr, uu wargeysku sheegay in uu u sarfar soomaaliya sanadkii 2010, waxaana lagu eedeyay in uu ku biiray Xarakada Al Shabab ee soomaaliya, waxaana la aaminay mardambe in uu geeryooday, sida warbixinta Wargeyskaan aan ka xiganay.

Tallaabo sharciga ah ayaa waxaa la horkeenay Qareenka kooxda lagu magacaabo “ Justice Open Society Initiative ” waxaana ay sheegeen in masuuliyada dilka wiilkaasi Aabihii ay leeyihiin diyaaradah Dron-ka dalka Mareykanka, isla markaana dowlada Jarmalka ay door lagama maarmaan ah ay ku leheed weerarkii qarsoonaa ee lagu dilay Aaabihii.

Diyaaradaha dagaalka ee Dronka dowlada mareykanka, ayaa werarada ay ka geystaan soomaaliya waxaa ay inta badan ay yihiin kuwo gaadmo ah, waxaana diyaaradahaasi ay kazoo duulaan saldhig ku yaalada dalka D-Jabuuti.

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories