HomeWararDEG DEG:Madaxweynaha oo furay SHIRKA WADA-TAGSHIGA DOORASHOOYINKA 2016-KA oo ka soconaya VILLA...

DEG DEG:Madaxweynaha oo furay SHIRKA WADA-TAGSHIGA DOORASHOOYINKA 2016-KA oo ka soconaya VILLA SOMALIYA

Date:

Related stories

Somalia Trains First Government Cybersecurity Cohort

The National Communications Authority (NCA) has completed its first...

Golaha Shacabka oo dhaariyey Wasiirka Warfaafinta cusub

Soomaaliya: Golaha Shacabka oo dhaariyey Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Mudane Cabdifitaax Qaasim.

HIQ oo xiray tababarkii shahaadooyinka amniga saaybarka

Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka oo soo gebagebeysay tababarkii shahaadooyinka amniga saaybarka.

Soomaaliya oo taariikhdii ugu horeysay ka qayb gashay shirka ITF

Soomaaliya oo taariikhda ku qortay markii ugu horreysay ka qaybgalka Shirka ITF ee Jarmalka. Agaasimaha Guud Cumar Afrax: “Madasha ayaa na ku casuuntay xubin buuxda.”

Caleemo-saarka Jabuuti: Xasan Sheekh oo xoojiyay xiriirka gobolka

Xasan Sheekh oo ka qayb galay caleemo-saarka Jabuuti Jabuuti, 10...

Iyadoo Maanta ay Muqdisho soo Gaareen Xubno ka mid ah Madaxda Maamul-goboleedyada dalka ayaa waxaa uga furmay gellinkii dambe ee Maanta Xarunta Madaxtooyada Somalia shirka Wada-tagshiga Doorashooyinka 2016-ka.

Madaxweynaha Puntland, C/weli Maxamed Cali iyo Madaxweynaha Jubbaland Sh. Axmed Maxamed Islaan [Axmed Madoobe] ayaa Maanta soo Gaaray Muqdisho; iyagoo ka Qayb-galaya Shirka ka furmay Madaxtooyada Somalia.

 

Inkastoo Xukuumadda Somalia ay shaacisay in Shirkan Wada-tashiga ah uu Furmi doono Axadda Berri ah ayaa haddana waxaan la ogeyn sababta maanta uu shirkan si hordhac ah uga Furmay Madaxweynaha Somalia, Xasan Sh. Maxamuud Villa Somalia; iyadoo aysan weli shirkan kasoo wax War ah oo ku saabsan Qodobbadii looga hadlay.

Sidoo kale, Shirka ka Furmay Gellinkii dambe ee Maanta Villa Somalia ayaa waxaa Goob-joog ka ahaa xubno ka socda Beesha Calaamka, waxaana shirkan furitaankiisu uu ahaa mid ay Albaabbadu u xirnaayeen.

Madaxweynaha Puntland ayaa intii uusan imaan Muqdisho wuxuu Gaalkacyo ka sheegay inaysan jirin wax iska bedelay Mowqifkeedii Doorasho ka dhacda dalka Somalia 2016-ka oo ay Puntland Aaminsanayd.

Golayaasha Xukuumadda Soomaaliya ayaa horay u sheegay inaysan Soomaaliya ka dhici karin Doorasho Qof iyo Cod ah Sannadka 2016-ka, Laakiin ay Dowladda FS iyo maamul-goboleedyadu ka tashan doonaan Doorashada dhacaysa sannadka soo socda.

Ugu dambeyn, Shirka Wadatashiga doorashooyin dalka ka dhaca 2016-ka ayaa looga hadli doonaa Qodobbo ay ka mid yihiin; Nooca ay noqon doonto Doorashada Dalka ka dhacaysa 2016-ka iyo Arrimo kale oo la Xiriira Hiigsiga Soomaaliya ee Sannadka 2016-ka.

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories