HomeWararKooxda Daacish oo Dagaalamayaal ka qorata Deegaanada Maamulka Puntland

Kooxda Daacish oo Dagaalamayaal ka qorata Deegaanada Maamulka Puntland

Date:

Related stories

Soomaaliya iyo Kenya oo Suuq Cusub Furaya

Soomaaliya iyo Kenya oo xoojinaya ganacsiga, maalgashiga iyo isku-xirka dhaqaale.

Daniel iyo Labada Hooyo: Xaqiiqada Sheekada

Daniel iyo labada hooyo: maxaa run ah, maxaase aan la xaqiijin?

Xasan Sheekh oo Belgrade Fariin Adag Ka Jeediyay

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Belgrade uga qaybgalaya shir lagu xusayo 65-guuradii Dhaqdhaqaaqa Dalalka Aan Isbahaysiga Ahayn,

Koonfur Galbeed Oo Ansixisay Dib-u-eegista Miisaaniyadda 2026

Golaha Wakiillada Koonfur Galbeed ayaa ansixiyey dib-u-eegista miisaaniyadda 2026, kadib dood iyo falanqeyn dheer oo ku saabsan dakhliga, deeqaha iyo kharashaadka dowladda.

Maxay McDonald’s Iyo KFC Uga Cabsadeen Soomaaliya?

Inkasta oo Muqdisho ay ku badan yihiin burgerro, shawarma iyo digaag la shiilay, shirkadaha waaweyn sida McDonald’s, KFC iyo Starbucks weli si rasmi ah ugama howlgalaan Soomaaliya.

Ila wareedyo la hadlay Website fadhigiisu yahay  Soomaaliya ayaa sheegaya in Kooxda daacish ay Dagaalamayal ka qorato Deegaanada Maamul Goboleedka Puntland. Qoysaska iyo ehelada qaar kamid ah dadkasi oo si qarsoodi ah u hadlay iyaga oo ku sugan Magaalada Boosaaso ayaa sheegay in dhacdadasi ay jirto Kooxda Daacishna ay dhalinyarada ka qorato Halkasi. Ugu yaraan […]

- Advertisement -

Ila wareedyo la hadlay Website fadhigiisu yahay  Soomaaliya ayaa sheegaya in Kooxda daacish ay Dagaalamayal ka qorato Deegaanada Maamul Goboleedka Puntland.

Qoysaska iyo ehelada qaar kamid ah dadkasi oo si qarsoodi ah u hadlay iyaga oo ku sugan Magaalada Boosaaso ayaa sheegay in dhacdadasi ay jirto Kooxda Daacishna ay dhalinyarada ka qorato Halkasi.

- Advertisement -

Ugu yaraan 40 Carruur ah oo ka yar 18 sanno jir ayaa laga waayay tan iyo toddobaadkii Hore deegaano badan oo ka tirsan Puntland sida Website warbixintan qoray uu sheegayo.

Waxa jira koox kale oo Daacish uga qora Puntland Dagaalamayaal loo qaadayo Dalalka Ciraaq iyo Suuriya si kooxda ay u caabiyan.

Hodan Farax Cusman oo ah hooyo jirta 37 sanno ayaa Websiteka u sheegtay in wiil yar oo ay dhashay ay ka afduubten koox la shaqeysa Daacish Maalintii Axadda ee aan ka soo gudubnay isaga oo ku sii socday College uu baran jiray.

- Advertisement -

Wiilkeeda Jibriil Maxamuud waxa uu jiray 18 Waxana uu dhiganayay Collegeka PIDAM sida Websiteka Warbixintan qoray  uu soo xigtay.

Doon siday ugu yaraan 40 Carruur ah ayaa gaartay toddobaadkii hore Maalintii Jimacaha Xeebaha Dur Duri oo ku dhaw Dekada Laas Qoray Ee Gobolka Sanaag Ee Maamulka Puntland waxana loo badinaya iney ku sii wajahnayen Dalalka Ciraaq iyo Suuriya.

 

Latest stories