HomeWararEhelada Gabar Xanuunsan muddo 24 Sanno oo Gurmad Caafimaad Dalbaday

Ehelada Gabar Xanuunsan muddo 24 Sanno oo Gurmad Caafimaad Dalbaday

Date:

Related stories

National Communications Authority Participates in ITU Global Symposium for Regulators (GSR-26) in Ankara

The annual global forum brings together heads of regulatory authorities, policymakers, industry leaders, and digital stakeholders from around the world to exchange knowledge and discuss emerging regulatory trends shaping the future of digital transformation. This year's symposium is held under the theme "Navigating the Digital Frontier," focusing on regulatory pathways towards a resilient and inclusive digital future.

Somali Opposition Sets Conditions for Direct Talks with Government

Somalia’s main opposition coalition, the Somali Future Council, has...

Somalia, Saudi Pledge Stronger Counter-Terrorism Partnership

Somalia’s President Hassan Sheikh Mohamud met with Saudi Arabia’s...

Deeqo Cabdi Axmed Waa Gabar 24 sano jir waana dhibane xanuun la il daran tan iyo burburkii dowladii dhexe ee dalka Somalia.

Gabdhan ayaa xanuunka  waxaa uu haleelay iyadoo Seddax bilood jirta sida ay ii  xaqiijisay Hooyo Maryan Axmed Carab.

Waxaana ay sheegtay in gabadheeda ay xanuun waqti badan qaatay la ildaran tahay islamarkaana aysan Si fiican u qaadan Karin Cuntadda  xitaa Waa uu liito muuqaal ahaan jirkeeda .

Dhibane Deeqo Cabdi Axmed Ilaa Hadda Lama Oga Nuuca Jiradda Haysa Waxaana Loo geeyay dhaqaatiirta Ka howlgasha dalka Inkastoo aysan waxba ka qabanin xanuunkeeda sida ay xustay Markale Maama Maryan.

Ugu Dambeyn Hooyo Maryan Axmed Carab ayaa codsi gargaar ah u dirtay Cidkasta oo uu Alle Wax u dhiibay  Taasi oo ku Aadan in ay ku garab galaan sidii Gabadheeda ay u heli laheyd Caafimaad Dibadda Loogu Qaado.

Deeq Waa Gabar U Baahan in ay Caafimaad Hesho, Waana qof Agoon ah oo Aabaheed waxaa uu geeriyooday iyada oo uurka ku jirta,  waxaa ku dadaasha Hooyadeed  Sida Aan Soo Arkay Mar Aan Hooygooda Ku Booqday.

Hadii Aad Aragto Muuqaal ahaan  Deeqa Ma Moodid 24 Sano Jir, Ma Fadhiisan karto, Waayo Habeen iyo Maalin Waxaa ay Saaran Tahay Sariirta Dusheeda.

Fadlan Caawi Walaashadda Dhiban Adigoo Kala Xiriiri Kara 0615693114 Oo Laga Helo Hooyo Maryan Axmed Carab.

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories