HomeWararDhageyso: Ra'iisul Wasaaraha oo soo xiray kulan looga hadlayay Qabyo-tirka Dastuurka dalka+Sawirro

Dhageyso: Ra’iisul Wasaaraha oo soo xiray kulan looga hadlayay Qabyo-tirka Dastuurka dalka+Sawirro

Date:

Related stories

Kenya disrupts Al-Shabaab attack plan, kills 11

Kenyan security forces killed at least 11 suspected Al-Shabaab...

President Mohamud off to Doha for Emir’s funeral

Somali President Hassan Sheikh Mohamud is heading to Qatar...

Iskaashi xooggan oo muhiim u ah xasilinta Soomaaliya

Safiirka Ingiriiska Charles King oo ka hadlay Aqoon-is-weydaarsiga 3S, isagoo sheegay in iskaashiga adag iyo hoggaaminta maxalliga ah ay muhiim u yihiin horumarka iyo xasilinta Soomaaliya.

Trump oo ku hanjabay inuu Iran “bur-buriyo” haddii la dilo

Trump oo ku hanjabay inuu Iran "bur-buriyo" haddii ay isku daydo dilkiisa, isagoo sheegay in 1,000 oo gantaal diyaar u yihiin. Xiisadda u dhexeysa Washington iyo Tehran ayaa sii kordheysa.

Markii lacagta caddaanka ah ay fashilantay, isku-xirka ayaa noqday lacag

Sida lacagta mobilada ah ay uga caawisay Soomaaliya inay...

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya Mudane Cumar Cabdirashid Sharmarke ayaa maanta soo xiray kulan muddo labo cisho ah u soconayay xubno matalayay bulshada rayidka ee maamulada gobolada iyo degmooyinka dalka, sida wakiilo ka socday degaanada Puntland, Galmudug, Jubbaland, Koofur Galbeed, Sh/hoose, Hiiraan iyo gobolka Banaadir, waxaana kulankan soo qaban qaabisay Wasaaradda Dastuurka iyada oo looga […]

- Advertisement -

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya Mudane Cumar Cabdirashid Sharmarke ayaa maanta soo xiray kulan muddo labo cisho ah u soconayay xubno matalayay bulshada rayidka ee maamulada gobolada iyo degmooyinka dalka, sida wakiilo ka socday degaanada Puntland, Galmudug, Jubbaland, Koofur Galbeed, Sh/hoose, Hiiraan iyo gobolka Banaadir, waxaana kulankan soo qaban qaabisay Wasaaradda Dastuurka iyada oo looga tashanayay sidii bulshada rayidku qeyb uga qaadan laheyd Qabyo-tirka Dastuurka dalka.

Gabagabadii kulankan ayaa laga soo saaray 14 qodob, oo ay bulshada rayidku u aragtay inay ku haboontahay in lagu kordhiyo Dastuurka dalka, maadaama uu yahay Qabyo, loona baahan yahay in ka hor 2016-ka Qabyo-tir lagu sameeyo, waxayna ballan qaadeen inay qeyb libaax ka qaadan doonaan sidii bulshada Soomaaliyeed gudaha iyo dibedda loo fahamsiin lahaa Dasatuurka, looguna wacyigelin lahaa dhowristiisa.

- Advertisement -

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka Mudane Cumar Cabdirashiid Sharmarke oo hadal ka jeediyay goobta ayaa xusay muhiimada wadatashiga uu u leeyahay dhameystirka Dastuurka, wuxuuna carabka ku adkeeyey in bulshada rayidku ay laf dhabar u yihiin Qabyo-tirka Dastuurka, maadaama ay yihiin dad dhex dhexaad u ah bulshada, una adeega.

“Dalkeena waxa halkaan dhigay waa Xasilooni darri siyaasadee, waxa maanta aan ka shaqeyneynona waa sidii loo dhameystiri lahaa Dastuurka dalka, si loo helo xasilooni siyaasadee, maadaama Dastuurku qeexayo awoodaha Dastuuriga ah” ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha oo kula dar daarmay wakiiladii bulshada rayidka in aysan ku saleyn siyaasad iyo rabitaan shaqsi, balse ay ku saleeyaan danaha ummadda iyo wacyiga dalka.

“Mudada yar ee aanu heysano, waxaa nalooga fadhiyaa inaan ku dhameystirno Dastuurka, isla markaana dalka loo helo nidaam suurtagalin kara doorasho, maadaama aan la socono in dalka maanta aysan ka dhici karin doorasho hal qof iyo hal cod ah” ayuu mar kale yiri Ra’iisul Wasaare Cumar, wuxuuna ugu dambeyntii kula dardaarmay in wax kasta loo waajaho wadajir iyo wadatashi.

IMG 4996
IMG 4999
IMG 5013
IMG 5098
IMG 5068
IMG 5056

Latest stories