HomeWararMadaxweynaha oo Abu Dhabi kula kulmi doona hoggaamiyeyaasha Imaaraadka Carabta

Madaxweynaha oo Abu Dhabi kula kulmi doona hoggaamiyeyaasha Imaaraadka Carabta

Date:

Related stories

Soomaaliya iyo Kenya oo Suuq Cusub Furaya

Soomaaliya iyo Kenya oo xoojinaya ganacsiga, maalgashiga iyo isku-xirka dhaqaale.

Daniel iyo Labada Hooyo: Xaqiiqada Sheekada

Daniel iyo labada hooyo: maxaa run ah, maxaase aan la xaqiijin?

Xasan Sheekh oo Belgrade Fariin Adag Ka Jeediyay

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Belgrade uga qaybgalaya shir lagu xusayo 65-guuradii Dhaqdhaqaaqa Dalalka Aan Isbahaysiga Ahayn,

Koonfur Galbeed Oo Ansixisay Dib-u-eegista Miisaaniyadda 2026

Golaha Wakiillada Koonfur Galbeed ayaa ansixiyey dib-u-eegista miisaaniyadda 2026, kadib dood iyo falanqeyn dheer oo ku saabsan dakhliga, deeqaha iyo kharashaadka dowladda.

Maxay McDonald’s Iyo KFC Uga Cabsadeen Soomaaliya?

Inkasta oo Muqdisho ay ku badan yihiin burgerro, shawarma iyo digaag la shiilay, shirkadaha waaweyn sida McDonald’s, KFC iyo Starbucks weli si rasmi ah ugama howlgalaan Soomaaliya.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu horkacayo ayaa gelinkii dambe ee shalay gaarey magaalada Abu Dhabi ee xarunta dalka Isutagga Imaaraadka Carabta, halkaa oo ay uga bilaabatey booqasho rasmi ah. Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa martiqaad rasmi ah ka heley hoggaamiyaha Imaaraadka Carabta, waxaana maalinta beri bilaabanaya kulamo kala duwan oo […]

- Advertisement -

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu horkacayo ayaa gelinkii dambe ee shalay gaarey magaalada Abu Dhabi ee xarunta dalka Isutagga Imaaraadka Carabta, halkaa oo ay uga bilaabatey booqasho rasmi ah.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa martiqaad rasmi ah ka heley hoggaamiyaha Imaaraadka Carabta, waxaana maalinta beri bilaabanaya kulamo kala duwan oo la xiriira xoojinta xiriirka ka dhexeeya labada dal.

- Advertisement -

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in booqashadan ay ka tarjumeyso xiriirka taariikhiga ah ee ka dhexeeya labada dal, iyo doorka wanaagsan ee ay mar walba Dowladda Imaaraadka Carabta ka cayaareyso arrimaha Soomaaliya.

Wafdiga Madaxweynaha waxaa ka mid ah Wasiirka Arrimaha Dibedda Cabdisalaam Hadliye Cumar, Wasiirka Gaadiidka Dhulka iyo Duulista Hawada , Cali Axmed Jaamac (Jangeli) iyo mas’uuliyiin kale oo dowladda ka tirsan.

Wafdiga Madaxweynaha waxaa garoonka diyaaradaha ee magaalada Abu Dhabi ku soo dhoweeyay mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Imaaraadka Carabta.

- Advertisement -

-DHAMMAAD-

Daud Aweis
Afhayeenka Madaxtooyada
Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya
Email: daweis@presidency.gov.so
Abu Dhabi, Isutagga Imaaraadka Carabta

Latest stories