HomeWararDaacish oo Malaayiin Dollar ka macaashta Tahriibayaasha ay Soomaalida ku jiraan ee...

Daacish oo Malaayiin Dollar ka macaashta Tahriibayaasha ay Soomaalida ku jiraan ee lagu qabsado Libya

Date:

Related stories

Somalia Trains First Government Cybersecurity Cohort

The National Communications Authority (NCA) has completed its first...

Golaha Shacabka oo dhaariyey Wasiirka Warfaafinta cusub

Soomaaliya: Golaha Shacabka oo dhaariyey Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Mudane Cabdifitaax Qaasim.

HIQ oo xiray tababarkii shahaadooyinka amniga saaybarka

Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka oo soo gebagebeysay tababarkii shahaadooyinka amniga saaybarka.

Soomaaliya oo taariikhdii ugu horeysay ka qayb gashay shirka ITF

Soomaaliya oo taariikhda ku qortay markii ugu horreysay ka qaybgalka Shirka ITF ee Jarmalka. Agaasimaha Guud Cumar Afrax: “Madasha ayaa na ku casuuntay xubin buuxda.”

Caleemo-saarka Jabuuti: Xasan Sheekh oo xoojiyay xiriirka gobolka

Xasan Sheekh oo ka qayb galay caleemo-saarka Jabuuti Jabuuti, 10...

Wargeyska Toddobaadlaha ee The Sunday People, kana  soo baxa dalka Britain ayaa qoray in Jihadistayaasha Daacish ee ka hawlgala dalka Libya ay dadka ku khasbaan inay bixiyaan L;acago, ka hor intaysan Kooxaha wax tahriibiya saarin doonyaha ka shiraacda Xeebaha Libya, kuna sii jeeda Talyaaniga.

Wargeyska waxa uu qoray inay Maleeshiyadda gacansaarka la leh Daacish ay gacanta ku hayaan ugu yaraan afar dhul-xeebeed dherersan Bariga Caasimadda dalkaasi ee Tripoli, halkaasi oo ay Macaash badan ka wada qaadaan Kooxaha wax tahriibiya iyo dadka la taahriibinayo.

Ilo ka tirsan QM oo ku sugan dalka Tunisia ayaa sheegay inay Kooxda Daacish maamulaan dhulka Xeebaha ee Libya, iyadoo dadka Tahriiba qori caaradii si khasab ah uga qaata lacago madax-furasho ah.

Wargeyska The Sunday People waxa uu qoray in Qaxooti tiradoodu dhan tahay 500,000 oo qof ay hadda ku sugan yihiin dalka Libya, kuwasi oo doonaya inay u soo tahriibaan Xeebaha Talyaaniga.

Kooxaha Mukhalasiinta ayaa la sheegay inay qofkiiba ka qaataan 1,500 oo Geniga Istarliinka Britain, kuwaasi oo laga buuxiyo Doonyaha loogu magac daray Doonyaha Geerida, ee ku sii jeeda Xeebaha Talyaaniga.

Khamiistii la soo dhaafay, ilaa 200 Tahriibayaal ayaa ku geeriyooday dooni ku degtay Degmadda Zuwaara ee Xeebaha dalka Libya, iyadoo 200 kalena la soo badabaadiyey.

ISIS in Libya 002 ISIS in Libya

© Radio Dalsan

 

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories