HomeWararMiami: Muwaadin Somali Kenyan taageersan Alshabaab oo la xukumay

Miami: Muwaadin Somali Kenyan taageersan Alshabaab oo la xukumay

Date:

Related stories

Deni Faces Criticism Over Somaliland Secession Push

Somalia’s Interior Minister Ali Yusuf Ali (Xoosh) on Tuesday...

Somalia nears completion of new Danab base amid anti-Al-Shabaab push

Somalia’s military says a new base for the elite...

Dowladda Federaalka oo Farriin Adag ka Dirtay Midnimada Soomaaliya

Dowladda Federaalka oo Farriin Adag ka Dirtay Midnimada Soomaaliya Muqdisho...

Bayaan ka Soo Baxay Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Bayaan ka Soo Baxay Dowladda Federaalka Soomaaliya. Muqdisho | 18...

Cabinet clears reform agenda ahead of planned elections

Somalia’s cabinet has endorsed a new roadmap to implement...

Maxkamadda Federalka ee magaalladda Miami ee Gobalka Florida ayaa waxaa shalay la soo taagay Muwaadin Somali Kenyan lagu magacaabo Mohamed Hussien Saeed, kaasi oo ay Saraakiisha FBI-da Maraykanka ku eedeeyeen inuu Kumanaan Dollar u xawilay Xarakadda Alshabaab.

Eedeysanaha oo 27 jir waxaa bishii May ee sannadkan lala galay Heshiis horseeday in Xabsi Daa’inkii uu muteysn lahaa loogu beddelay 15 sanno, iyadoo ay Waaxda FBI-da ugu qaabilsan La-dagaalanka waxa loogu yeero Argagixisdda sheegeen inuu qalab iyo kharaj u diray Xarakadda Alshabab.

Dhegeysiga Dacwadiisa ee shalay ayey waxay Garyaqaanadda u doodaysay codsatay in lagu xukumo muddo 8 sanno ah.

Garyaqaanadda oo lagu magacaabo Silvia Pinera-Vazquez ayaa sheegtay inuusan Eedeysanaha loo haynin caddaymo muujinaya inuu dhibaatayn lahaa Muwaadiniinta Maraykanka.

Dacwad-oogaha, Rick Del Toreo ayaa sheegay inuu Eedeysane Mohamed Hussien Saeed 11,000 oo Dollar u diray Xarakadda Alshabaab, isla markaana uu xiriir la sameeyey  Hoggaamiyayaasha Alshabab iyo inuu Dhallinyarro u qoray Alshabaab, waa sida uu ka sheegay Maxkamadda Federalka ee Miami.

Garsooradda Maxkamadda Federalka ee Miami, Ursula Ungaro waxay la barbar noqotay Dacwad-oogaha, iyadoo sheegtay inuu Eedeysane Mohamed Hussien Saeed khadka Internetka kula ciriiray Sarkaal ka tirsan FBI-da oo isaga dhigay Jihadiste, isla markaana uu Eedeysanaha  dhaqaale ku taageeray Alshabaab, waa sida ay hadalka u dhigtay.

© Radio Dalsan

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories