HomeWararBritain oo sheegtay in falkii ay Askarta AMISOM ku dileen dadka rayid...

Britain oo sheegtay in falkii ay Askarta AMISOM ku dileen dadka rayid ee ku sugnaa Marka ahaa Fal laga xumaaday

Date:

Related stories

Saynisyahano Japan ah oo lo’ ku rinjiyeeyay si looga hortago duqsi

Saynisyahano Japan ah ayaa lo’ ku rinjiyeeyay xariijimo madow iyo caddaan ah oo u eg zebra, iyadoo tijaabadu muujisay in duqsigii ku degi jiray lo’da uu hoos u dhacay qiyaastii 50%. Tags:

Nin Kenya ah oo 26 dacwadood ku guulaystay isagoon shati qabin

Brian Mwenda Njagi ayaa Kenya caan ka noqday kadib markii lagu eedeeyay inuu qareen iska dhigay, haddana uu ku guulaystay 26 dacwadood oo isku xiga.

Madaxweyne Xasan oo Galinsoor ugu baaqay nabadda iyo xasiloonida

Madaxweyne Xasan iyo Madaxweynaha Galmudug oo Galinsoor ku soo dhoweeyay shacabka – ma xoojin doontaa xiriirka federaalka iyo maamulka?

Baydhabo: Ciidamada Dowladda Iyo Kuwa Laftagareen Oo Isku Dhacay

Baydhabo ayaa saaka laga maqlay rasaas xooggan, kaddib markii ciidamo kala taageersan dhinacyada siyaasadda ay magaalada ku dhex dagaallameen, iyadoo xaaladda amni ay weli kacsan tahay.

Danjiraha Britain u jooga Golaha Ammaanka ee QM, Ambassador Matthew Rycrift ayaa sheegay inay Ururka Midowga Africa garwaaqsadeen inuu qalad ahaa weerarkii ay Ciiddanka Uganda ee qeybta ka ah Hawlgalka AMISOM ku dileen dhowr qof oo ku sugnaa Xaflad Aroos oo ka dhacday magaallo-madaxda Gobalka Sh/hoose ee Marka. Ambassador Matthew Rycrift ayaa hadalkaasi ku sheegay […]

- Advertisement -

Danjiraha Britain u jooga Golaha Ammaanka ee QM, Ambassador Matthew Rycrift ayaa sheegay inay Ururka Midowga Africa garwaaqsadeen inuu qalad ahaa weerarkii ay Ciiddanka Uganda ee qeybta ka ah Hawlgalka AMISOM ku dileen dhowr qof oo ku sugnaa Xaflad Aroos oo ka dhacday magaallo-madaxda Gobalka Sh/hoose ee Marka.

Ambassador Matthew Rycrift ayaa hadalkaasi ku sheegay Wareysi uu siiyey Wargeyska Inner City Press ee dabagalka ku sameeya Dhacdooyinka Caalamiga, wuxuuna tilmaamay inuu falkaasi ahaa mid aad khatar u ah, isla markaana ay Midowga Afrika ka bixiyeen raalli-gelin iyo inay baarayaan dilkaasi.

- Advertisement -

“Midowga Afrikaa waxaa haatan looga baahan yahay Xisaabtan, loona baahan yahay inuusan shilkaasi oo kale dhicin, lana xaqiijiyo ammaanka dadka rayidka” ayuu yiri Danjiraha Britain u jooga Golaha Ammaanka ee QM.

Waxa uu tilmamay inay Dowladda Britain horey u qaadayso Wada-tashi lala yeesho Midowga Afrika, iyo in si degdeg ah  loo asaaso Unug u xil-saaran Ammaanka.

Dhinaca kale, Ergayga Gaarka ee Xoghayaha Guud ee QM ugu qaabilsan Arrimaha dalka Somalia, Nicholas Kay ayaa u sheegay Wargeyska Wargeyska Inner City Press inay Koox Baarayaal ah dabayaaqadii bishii July u direen magaalladda Marka, isla markaana AMISOM kala shaqeynayaan Baaritaankooda madax bannaan ee ku aadan dilkii loo geystay dadka rayidka ahaa.

- Advertisement -

Nichoals Kay waxa uu soo dhaweeyey Go’aanka Mideysn ee Dowladda Federalka iyo Maamul-gobaleedka K/Galbeed ku gaareen in la asaaso Guddiyo baaritaano ku sameeya dilkaasi.
© Radio Dalsan

Latest stories