HomeWararNorway oo laga soo masaafurinyo Qoys Somali Jabuutiyaan dhibanayaal u ah...

Norway oo laga soo masaafurinyo Qoys Somali Jabuutiyaan dhibanayaal u ah weerar ka dhacay dalkaas

Date:

Related stories

Wasiirrada Xamsa oo Shaashad Lagu Kala Sarreysiiyay

Xamsa Cabdi Barre oo wasiirrada Xukuumadda DanQaran ku sameeyay qiimeyn waxqabad iyo isla xisaabtan.

Hindisaha ABUUR oo La Daah-furay, Ardayda Soomaaliyeedna Fursad Cusub

Xasan Sheekh oo daah-furay sannad-tacliimeedka 2026/2027, isagoo sidoo kale bilaabay Hindisaha ABUUR ee hal-abuurka ardayda.

Xasan Sheekh iyo Al-Issa oo Arrimo Xasaasi ah Ka Wada Hadlay

Xasan Sheekh oo Muqdisho ku qaabilay Al-Issa, iyagoo ka wada hadlay diinta, nabadda iyo iskaashiga Soomaaliya.

Waaxda Socdaalka ee dalka Norway ayaa ku hawlan sidii loo masaafurin lahaa Qoys Somali Jabuutiyaan ah, kuwaasi oo tobaneeyo sanno ka hor magangelyo Qaxootinimo laga siiyey dalkaasi. Qoyskaasi waxay horey dhibaato uga soo gaartay Weerarkii uu Gacan-ku-dhiiglaha Andres Behring Breivik ka geystay Jesiiradda Utoya ee dalka Norway sannadkii 2011-kii, laguna dilay 77 qof, oo uu […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Waaxda Socdaalka ee dalka Norway ayaa ku hawlan sidii loo masaafurin lahaa Qoys Somali Jabuutiyaan ah, kuwaasi oo tobaneeyo sanno ka hor magangelyo Qaxootinimo laga siiyey dalkaasi.

Qoyskaasi waxay horey dhibaato uga soo gaartay Weerarkii uu Gacan-ku-dhiiglaha Andres Behring Breivik ka geystay Jesiiradda Utoya ee dalka Norway sannadkii 2011-kii, laguna dilay 77 qof, oo uu ka mid ahaa Ismail Hagi Ahmed, kaasi oo ka tirsanaa Qoyska Somali Jabuutiyaanka ee la masaafurinayo.

- Advertisement -

Mubarak Hagi Ahmed iyo Khaalid Hagi Ahmed, oo iyagu si dirqi ah kaga badbaaday weerarkaasi ayaa waxaa ilaa iyo haatan ka muuqada niyd-xumidii ka soo gaartay Toogashadaasi, iyadoo hortooda uu ku gereiyooday Walaalkooda Ismail Hagi Ahmed.

Mubarak Hagi Ahmed oo isagoo 10 jir ah Waalidkiisa la yimid dalka Norway waxa haatan la soo gudboonaatay caafimaad-daro iyo isagoo aan si fiican wax u maqli Karin.

Qoyska Mubarak Hagi Ahmed ayaa la shegay inay asal ahaan ka yimaadeen dalka Jabuuti, kadibna ay muddo ku noolaayeen dalka Yemen, ka hor intaysan dalka Norway ka helin Magangelyo Qaxootinimo.

- Advertisement -

Dowladda Norway waxay dalkeeda ka masaafurisay Aabahooda Hagi Ahmed, kadib, markii uu Khaalid Hagi Ahmed iyo Aabihiisa soo kala dhex galay Khilaaf, taasi oo ugu dambeyntii keentay inay u sheegaan Waaxda Socdaalka Norway inaysan Somalia ahayn oo ay asal ahaan ka soo jeedaan dalka Jabuuti, taasi oo keentay in labadooda laga soo masaafuriyo dalka Norway, waxaana lagu celiyey dalka Jabuuti.

Aabahaasi ayaa la sheegay inuu dhowr bilood ka hor ku geeriyooday dalka Jabuuti, iyadoo Hooyadda Qoyskaasi iyadana loo masaafuriyey dalka Jabuuti.

Dhinaca kale, Ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee Guddiga Rafcaanka Muhaajiriinta, Ketil Larsen ayaa sheegay in Qoyskaasi lagala laabtay Dhalshadda Norwegian, kadibn, markii la ogaaday inay Qoyskaasi ka yimaadeen Jabuuti, oo aysan ka imaanin Somalia sida ay horey u sheegteen.

Qoraal E-mail oo uu Mas’uulkaasi u diray, laguna soo daabacay Wargeyska The Washington Post ee ka soo baxa dalka Maraykanka ayaa sheegay in dhamaan xubnaha qoyskaasi ku heleen Deganaanshaha Norway warbixintaas qaladka ah.

Ketil Larsen waxa uu tilmaamay inaan weli go’aan kama dambays ku gaarin in dhamaan Qoyskaasi loo masaafuriyo dalka Jabuuti.

Garyaqaanka Qoyskaasi, Jostein Løken, ayaa sheegay inuusan hadallka Ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee Guddiga Rafcaanka Muhaajiriinta, Ketil Larsen lahayn wax micno weyn, isla markaana ay qalad tahay in Carruurta Qoyskaasi loo masaafuriyo qalad ka dhacay Waalidkooda.

Waxa uu intaasi ku daray in ay Qoyskaasi fahmeen, kuna dhex milmeen Bulshadda Norwegianka, iyadoo ay qaar ka mid ah Walaalaha Qoyskaasi yihiin Xaaslayaal carruur leh.

Jostein Løken waxa uu sheegay inaysan suurtogal ahayn inay masaafurinta saamayn ku yeelato Jiilka saddexaad ee Qoyskaas.

KHAALID HAGI AHMED MARXUUM MUBAARAK HAGI AXMED NORWAY

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts