HomeWararDowladda Federalka Somalia oo sheegtay in dib-u-eegis lagu sameynayo Hehsiiska Shirkadda Soma...

Dowladda Federalka Somalia oo sheegtay in dib-u-eegis lagu sameynayo Hehsiiska Shirkadda Soma Oil and Gas

Date:

Related stories

JSP oo Cali Guudlaawe U Doortay Musharraxa Hirshabeelle

Cali Guudlaawe ayaa si rasmi ah loogu aqoonsaday musharraxa Xisbiga Caddaaladda iyo Wadajirka (JSP) ee doorashada madaxtinimada Hirshabeelle, kaddib go’aan ay xubnaha fulinta xisbiga ku gaareen Muqdisho.

Maaliyadda iyo Arrimaha Dibadda oo Ku Guuleystay Qiimeynta Waxqabadka

Wasaaradaha Maaliyadda iyo Arrimaha Dibadda oo kaalmaha ugu sarreeya ka galay qiimeynta waxqabadka Xukuumadda, laguna guddoonsiiyay abaalmarinno.

Ruushka oo Tareen Rakaab Ku Weeraray Xadka Poland

Boris Johnson oo cambaareeyay weerar drone oo Ruushka lagu eedeeyay inuu ku qaaday tareen rakaab oo ku dhow xadka Poland.

Wargeyska The Wall Street Journal ee ka soo baxa dalka Maraykanka  ayaa qoray in si hoose loogu soo dusiyey Dukumenti Qarsoodi ah oo ay Dowladda Federalka ka soo saartay Heshiiska Fadeexadda abuuray eel ala galay Shirkadda Soma Oil and Gas ee laga leeyahay dalka Britain. Warbixintaasi aayaa ah calaamadii ugu horreysay ee lagu muujiyey Heshiiska […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Wargeyska The Wall Street Journal ee ka soo baxa dalka Maraykanka  ayaa qoray in si hoose loogu soo dusiyey Dukumenti Qarsoodi ah oo ay Dowladda Federalka ka soo saartay Heshiiska Fadeexadda abuuray eel ala galay Shirkadda Soma Oil and Gas ee laga leeyahay dalka Britain.

Warbixintaasi aayaa ah calaamadii ugu horreysay ee lagu muujiyey Heshiiska lala galay Shirkadda Soma Oil and Gas, taasi oo ay Dowladda Federalka ka muujisay walaac xooggan.

- Advertisement -

Dukumentiga oo la sheegay inuu qoray La-taliyaha dhinaca Sharciga ee Wasaaradda Batroolka Somalia, Abdixaliim Abdirahman ayaa waxay sare u qaadaysaa qeyb ka mid ah qaabka ay Shirkadda Soma Oil and Gas u bixiyeen Kharajka muranka iyo fadeexadda horseeday.

Waxa uu tilmaamay in lacagta ay Shirkadda mushaar ahaan loo siiyey shaqaalaha Wasaaradda Batroolka iyo lacagta kale ee dhinaca Kharajka Sharciga loo siiyey Garyaqaan Jay Park in laga yaabo in laga yaabo inay horseedo khilaaf dhinaca Danaha.

Wargeyska The Wall Street Journal waxa uu qoray in Warbixinta Dowldda Somalia  lagu soo gebagebeeyey Arrinta Xilliga Saami-qeybsiga Kharajka Shidaalka, iyo inuu aad u hooseeyey qaabka loo qortay Heshiika ay Dowladda Somalia iyo Shirkadda Soma Oil and Gas horey u kala saxiixdeen.

- Advertisement -

Dukumentiga ayaa lagu sheegay in qaabka heshiiska loo qoray uu liito, isla markaana hal dhinac yahay qaabka ay Somalia u helayso Dakhliga ka soo xerooda Shidaalka.

Warbixinta waxaa kaloo lagu sheegay inuusan dhamaystirnayn heshiiskaasi, loona baahan yahay in Wada-xaajood kale laga galo Saami-qeybsiga Macaashka Shidaalka.

Dhinaca kale, Afhayeenad u hadahsy Shirkadda Soma Oil and Gas ayaa u shegtay Wargeyska the Wall Street Journal inaanmarnaba la isku raacin Heshiiska Qeybsiga Macaashka Shidaalka Somalia.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts