HomeWararRa'iisul Wasaare kuxigeenka oo maanta qaabilay wafdi ka socday Midowga Yurub

Ra’iisul Wasaare kuxigeenka oo maanta qaabilay wafdi ka socday Midowga Yurub

Date:

Related stories

Afrika oo Wajahaysa Caqabad Cusub oo Amni

Maalgelinta nabad ilaalinta oo hoos u dhacaysa ayaa Afrika ku qasbaysa inay dib u qaabayso hawlgallada amniga.

Burcad-badeedda Soomaaliya oo Dib u Soo Laabatay: Khatar Cusub

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dib u soo laabatay, iyadoo khatar cusub ku ah maraakiibta gobolka.

Soomaaliya iyo Kenya oo Suuq Cusub Furaya

Soomaaliya iyo Kenya oo xoojinaya ganacsiga, maalgashiga iyo isku-xirka dhaqaale.

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka XFS mudane Maxamed Cumar Carteh iyo wasiiro ay ka mid yihiin Wasiirka Amniga, Waxbarashada, Qorshaynta, Diinta iyo Awqaafta, Warfaafinta iyo Deegaanka ayaa maanta kulan balaaran kula qaatay xafiiskiisa wafti ka socday Midowga Yurub oo uu hogaaminayo Madaxa Siyaasada Xiriirka Tom Vens. Waftigan ayaa ujeedkiisu yahay sidii Soomaaliya ay uga caawin lahaayeen […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka XFS mudane Maxamed Cumar Carteh iyo wasiiro ay ka mid yihiin Wasiirka Amniga, Waxbarashada, Qorshaynta, Diinta iyo Awqaafta, Warfaafinta iyo Deegaanka ayaa maanta kulan balaaran kula qaatay xafiiskiisa wafti ka socday Midowga Yurub oo uu hogaaminayo Madaxa Siyaasada Xiriirka Tom Vens.

Waftigan ayaa ujeedkiisu yahay sidii Soomaaliya ay uga caawin lahaayeen dhinacyada amniga, ka hortaga tahriibka iyo dhanka waxbarashada, taas oo lagu salaynayo baahiyaha ay wasaaraduhu soo gudbiyaan.

- Advertisement -

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka oo kulanka ka hadlay ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay ahmiyad weyn u leedahay sidii looga hortagi lahaa tahriibka taas oo dhibaato ba’an ku haysa dhalinyarada Soomaaliyeed.

“Madaama dalka ay ka jirto shaqo la’aan ay sababeen colaadihii dalka soo maray, iyo dhibaatooyinka xagjirnimada waxaa sanad kasta sii kordhaya dhalinyarada u tahriibaya dalalka fog, waxayna la kulmaan dhibaatooyin kala duwan qaarkoodna waxayba naftooda ku waayaan xeebaha u dhaxeeya Liibiya iyo Yurub” ayuu yiri RW ku xigeenku.

Sidoo kale, xubnaha wafdiga ayaa ballan qaaday inay muhiimada koowaad siin doonaan sidii dowladda Soomaaliyeed looga caawin lahaa shaqo abuur loo sameeyo dhalinyarada si ay ugu nagaadaan dalkooda.

- Advertisement -

Dhanka kale, xubnahan ayaa sidoo kale ballan qaaday in midowga Yurub ay gacan ka geysan doonaan sidii fursado loogu abuuri lahaa gobolada iyo degaanada laga xoreeyey kooxaha Al shabaabka.

—DHAMMAAD—

unnamed (5)unnamed (7)unnamed (8)unnamed (9)

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts