HomeWararMaamulka Puntland oo culays culus lagu saaray baaritaanka Muwaadin Somali-Maraykan lagu dilay...

Maamulka Puntland oo culays culus lagu saaray baaritaanka Muwaadin Somali-Maraykan lagu dilay Qardho

Date:

Related stories

Soomaaliya iyo Kenya oo Suuq Cusub Furaya

Soomaaliya iyo Kenya oo xoojinaya ganacsiga, maalgashiga iyo isku-xirka dhaqaale.

Daniel iyo Labada Hooyo: Xaqiiqada Sheekada

Daniel iyo labada hooyo: maxaa run ah, maxaase aan la xaqiijin?

Xasan Sheekh oo Belgrade Fariin Adag Ka Jeediyay

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Belgrade uga qaybgalaya shir lagu xusayo 65-guuradii Dhaqdhaqaaqa Dalalka Aan Isbahaysiga Ahayn,

Koonfur Galbeed Oo Ansixisay Dib-u-eegista Miisaaniyadda 2026

Golaha Wakiillada Koonfur Galbeed ayaa ansixiyey dib-u-eegista miisaaniyadda 2026, kadib dood iyo falanqeyn dheer oo ku saabsan dakhliga, deeqaha iyo kharashaadka dowladda.

Maxay McDonald’s Iyo KFC Uga Cabsadeen Soomaaliya?

Inkasta oo Muqdisho ay ku badan yihiin burgerro, shawarma iyo digaag la shiilay, shirkadaha waaweyn sida McDonald’s, KFC iyo Starbucks weli si rasmi ah ugama howlgalaan Soomaaliya.

Saraakiil ka socotay Safaaradda Maraykanka ee Nairobi ayaa waxay Maamulka Puntland ku hayaan cadaadis, si  jawaab waafi ah loogu helo Muwaadin Somali Maraykan lagu magacaabi jirey Amaar Abdihamid Abdirahman, kaasi oo dhowr bilood ka hor lagu dilay Dugsi ku yaalla Degmadda Qardho. Saraakiisha Boliska Puntland ayaa la sheegay inay bilaabeen baaritaanka Kiiskaasi, kadib, markii ay […]

- Advertisement -

Saraakiil ka socotay Safaaradda Maraykanka ee Nairobi ayaa waxay Maamulka Puntland ku hayaan cadaadis, si  jawaab waafi ah loogu helo Muwaadin Somali Maraykan lagu magacaabi jirey Amaar Abdihamid Abdirahman, kaasi oo dhowr bilood ka hor lagu dilay Dugsi ku yaalla Degmadda Qardho.

Saraakiisha Boliska Puntland ayaa la sheegay inay bilaabeen baaritaanka Kiiskaasi, kadib, markii ay Waaxda Arrimaha Dibedda Maraykanka cadaadis saareen Maamulka Puntland.

- Advertisement -

Hadal ka soo baxay Xafiiska Senator Amy Klobucher  ayaa lagu sheegay inay Maamulka Puntland ee W/bari Somalia bilaabeen Baaritaanka dilkii Camaar Abdihamid Abdirahman

Hooyadda dhashay Marxuumka, oo lagu magacaabo Shukri Xersi  ayaa sheegtay in wiilkeeda bilowgii bishii May lagu dilay qolkii uu ka degganaa Dugsi la seexdo oo ku yaalla Degmadda Qardho.

Hooyo Shukri Xersi ayaa sheegtay inay Dowladda Maraykanka u gudbisay cabashadeeda, kadib, markii ay wax warbixin ka weyday Madaxda Maamulka Puntland, oo iyagu ka mas’uul ah Degaanka lagu dilay Wiilkeeda.

- Advertisement -

Hooyadda waxay sheegtay in Wiilkeeda loo dilay isagoo Maraykan ahaa, waxayna codsatay in  gacan laga siiyo sidii maydka wiilkeeda loogu soo celin lahaa Gobalka Minnesota, si loogu aaso.

© Radio Dalsan

Latest stories