HomeWararKontameyo Somali ka ganacsata Daroogadda oo lagu qabtay Hawlgal ka dhacay magallaadda...

Kontameyo Somali ka ganacsata Daroogadda oo lagu qabtay Hawlgal ka dhacay magallaadda London

Date:

Related stories

Soomaaliya oo taariikhdii ugu horeysay ka qayb gashay shirka ITF

Soomaaliya oo taariikhda ku qortay markii ugu horreysay ka qaybgalka Shirka ITF ee Jarmalka. Agaasimaha Guud Cumar Afrax: “Madasha ayaa na ku casuuntay xubin buuxda.”

Caleemo-saarka Jabuuti: Xasan Sheekh oo xoojiyay xiriirka gobolka

Xasan Sheekh oo ka qayb galay caleemo-saarka Jabuuti Jabuuti, 10...

EU iyo Soomaaliya oo xoojisay iskaashigooda istiraatiijiga

EU iyo Soomaaliya oo adkeeyay iskaashiga istiraatiijiga

Koonfur Galbeed oo si weyn u qabatay doorashadii Qof iyo Cod

Koonfur Galbeed oo si weyn u qabatay doorashadii Qof iyo Cod

President Hassan Sheikh Travels to Djibouti for President Guelleh’s Inauguration

Somali President Hassan Sheikh Mohamud arrived in Djibouti on...

Ilaa kun Sarkaal oo ka tirsan Boliska dalka Britain ayaa la sheegay inay Hawlgal ka fuliyeen qeybo ka mid ah magaalladda London, wax yar ka hor inta uusan bilaabanin Dabaaldegga weyn ee Sannadka ee loogu magac daray Notting Hill Festival ee sannadka 2015.

Boliska waxay abaareen Cinwaano guryo lagu tuhunsan yahay inay ku jireen Dhallinyarro Soomaali oo qeyb ka ah Shabakad Gangestaro ka ganacsata Daroogooyinka.

Saraakiisha waxay sheegeen in la soo xiray 62 Dhallinyarro Somali, Datoogo iyo hub badan.

Boliska Britain waxay kaloo hawlgal ka fuliyeen Fullham iyo Kensington, oo ay ku jireen 8 cinwaan oo lala xiririirinayo Nin Somali Gangestar oo deggan Galbeedka London.

Weriye ka tirsan Wargeyska The Evening Standard oo goob-joog ka ah Hawlgal ay Boliska ka fuliyeen Fulham iyo Hammersmith ayaa lagu baaray dhismo ay degganaayeen shan Somali oo Wlaalo ah, iyadoo la soo xiray mid ka mid ah Raggaasi.

Hawlgalka maanta ka bilowday magaalladda London ayaa la sheegay inuu socon doono muddo dhowr maalmood ah.

Boliska Britain waxay Toddobaadkii hore halkaasi ka heleen qori cabaysan iyo jwaano ciid laga buuxiyey oo yaallay dhismaha y deggan yihiin raga lala xiririirinayo Gangesternimadda.

Dhinaca kale, Taliye Ellie O’connor oo madax ka ah Deegaanka Kensington iyo Chelsea ayaa tilmaamtay in Gangestaradda Soomaalida geysteen dhibaatooyin dhowrkii bilood ee la soo dhaafay, oo badankooda ku lug leh Ganacsiga Daroogadda ee Deegaannadda ku hareeraysan Buuraha Notting Hill.

Waxay Gangestaradda Soomaalida ku sifeysay sidii Rakaha oo kale, oo haddii madax laga dilo, meel kale u sii booda.

UK POLICE 1 uk police 2 UK POLICE

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories