HomeWararHaweeney ka tahriibtay magaalladda Muqdisho oo ku dul umushay Markab laga...

Haweeney ka tahriibtay magaalladda Muqdisho oo ku dul umushay Markab laga leeyahay Jarmalka.

Date:

Related stories

Xuutiyiinta oo jebisay xabbad joojin 4 sano ah kadib weerarkii Abha

Xuutiyiinta oo weerartay Garoonka Caalamiga ah ee Abha, iyagoo jebiyay xabbad-joojin 4 sano ah. Xiisadda u dhaxaysa Sacuudiga iyo Xuutiyiinta ayaa sii kordheysa kaddib weerarkii Sanaa.

Soomaaliya oo ECOSOC ku soo bandhigtay horumarkeeda

Wasiirka Qorsheynta Maxamuud Beenebeene oo ECOSOC ku soo bandhigay guulaha Soomaaliya, isagoo xusay NTP 2025–2029 iyo horumarka laga gaaray dimuqraadiyadda, dhaqaalaha iyo dowlad-dhiska.

Blanche oo jidka ugu jira Sanduuqa $1.8 bilyan oo la tirtiray

Todd Blanche oo la filayo inuu si fudud u xaqiijisto hay'adaha sare ee Maraykanka inkastoo uu wehliyo culeysyo kala duwan, iyadoo ay jirto su'aal ku saabsan madax-banaanida Wasaaradda Caddaaladda.

Over 40 Al-Shabaab Fighters Killed in Goobo, Hiiraan

The Somali National Armed Forces, supported by international partners, killed more than 40 Al-Shabaab militants and wounded 12 others during a coordinated airstrike in the village of Goobo, Hiiraan region, late Monday night.

Haweeney magaceeda lagu soo koobay Raxma ayaa gabar ku umushay dooni laga leeyahay Jarmalka, oo u gurmatay Tahriibayaal ku xayirnaa dooni sabaynaysay Badda Mediterranean Sea. Hadal ka soo baxay Taliska Ciiddanka Jarmalka ee Bundeswehr ayaa lagu sheegay in Raxma oo 33 jir ah loo fidiyey gargaar, markii ay foosha ku qabatay doonida dagaalka Jarmalka ee […]

- Advertisement -

Haweeney magaceeda lagu soo koobay Raxma ayaa gabar ku umushay dooni laga leeyahay Jarmalka, oo u gurmatay Tahriibayaal ku xayirnaa dooni sabaynaysay Badda Mediterranean Sea.

Hadal ka soo baxay Taliska Ciiddanka Jarmalka ee Bundeswehr ayaa lagu sheegay in Raxma oo 33 jir ah loo fidiyey gargaar, markii ay foosha ku qabatay doonida dagaalka Jarmalka ee lagu magacaabo Schleswig Holstein.

- Advertisement -

Raxma oo la sheegay inay safar Tahiib ah oo aysan cid kale ku wehlinin ku jirtay muddo shan bilood ayaa umushay gabar loogu magac daray Safiya, oo uu miisaankeedu yahay  3 Kiilo, isla markaana caafimaad qabto.

Waa markii ugu horreysay oo ay Haweeney Soomaali tahriib ku jirta ku dul umusho Markab laga leeyahay dalka Jarmalka, inkastoo aan Hooyadaas iyo gabadheeda la siinin Dhalashadda Jarmalka.

Dhinaca kale, Raxma iyo gabadheeda iyo Kumanaan kale oo Tahriibayaal ah oo laga badbaadiyey Badda Mediterranean Sea toddobaadkan ayaa waxay si nabad ah ku tageen Dekedda magaalladda Taranto ee Koonfurta dalka Talyaaniga.

- Advertisement -

 © Radio Dalsan

Latest stories