HomeWararMuwaadiniin Somali iyo Nin Tnazanian lala xiriirinayo Weerarkii Alshabaab ee Jamaacadda...

Muwaadiniin Somali iyo Nin Tnazanian lala xiriirinayo Weerarkii Alshabaab ee Jamaacadda Garissa oo dib loo dhigay Dhegsyiga Dacwadooda

Date:

Related stories

Once a Man’s World, Now a Shared Space: Women Transform Mogadishu’s Fish Market.

Every morning, as the sun rises over Mogadishu’s coastline,...

Somali Pirates Hijack Tanker ASANA

MOGADISHU – Somali pirates hijacked the oil tanker ASANA off...

Turkey excludes Somalia from e-Visa expansion

Turkey has expanded its electronic visa (e-Visa) system to...

Danab forces overrun Al-Shabaab stronghold near Jilib

The National Army’s elite Danab commandos have overrun a...

Somalia scrambles for new military allies as AU troops face exit

Somalia's federal government is pressing regional troop-contributing countries to...

Afar Somali iyo nin u dhashay dalka Tanzania oo  lala xiriirinayo Weerarkii ay Alshabaab bishii April 2-dii la beegsadeen Jaamacadda Garissa oo lagu waday in shalay la soo taago Maxkamadda ayaa la shaaciyey inay dib u bilaaban doonto bisha soo socota ee September 1-da. Garsoore Daniel Ogembo oo ka tirsan Maxkamadda Nairobi ayaa shalay dib […]

- Advertisement -

Afar Somali iyo nin u dhashay dalka Tanzania oo  lala xiriirinayo Weerarkii ay Alshabaab bishii April 2-dii la beegsadeen Jaamacadda Garissa oo lagu waday in shalay la soo taago Maxkamadda ayaa la shaaciyey inay dib u bilaaban doonto bisha soo socota ee September 1-da.

Garsoore Daniel Ogembo oo ka tirsan Maxkamadda Nairobi ayaa shalay dib u dhigay Kiiskaasi, kadib, markii uu sheegay inuu ballamo kale leeyahay.

- Advertisement -

Garyaqaanadda difaacayo Eedeysanayaasha ayaa sheegay inaysan Dacwad-baarayaasha weli u soo guidbinin dhamaan Nuqulladda laga qoray dadka Markhaatiga ka ah Dacwadaasi.

Shanta Eedeysane oo lagu kala magacaabo Mohamed Surow, Mohamed Abikar, Hassan Aden, Sahal Diiriye iyo Rashid Mberesero oo u dhashay dalka Tanzania ayaa waxaa bishii April 2-dii iyo 3-dii laga soo qabtay magaalladda Garissa, iyagoo lala xiriirinayo Weerarkii Jaamacadda Garissa, oo lagu dilay 148 qof oo badankooda Arday ahaa.

Dhinaca kale, La-taliyaha Dowladda Kenya, Daniel Karuri ayaa u sheegay Maxkamadda in Eedeysane lagu magacaabo Osman Dakane la sii daayey, kadib, markii ay Boliska ku fashilmeen inay keenaan caddaymo ku xiriirinayo inuu ku lug lahaa weerarkii Jaamacadda Garissa.

- Advertisement -

Osman Surow ayaa la sheegay inuu ka shaqeynayey Hotel ku yaalla Degmadda Garissa, oo ay Dagaalamayaashii Alshabaabee geystay Weerarkaasi ay dhowr jeer ka cunteeyeen.

 

Latest stories